Qaar kamid ah dowladdaha Carabta oo xiriirka u jaray dowladda Qadar

Dowladdaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkii diplomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka.

Dowladda Masar, ayaa Qadar ku eedeysay in ay taageerto kooxda Muslim Brotherhood ee dalka Masar ku sugan, sida wakaalladda Wararka ee dalka Masar ay sheegtay.

Dhinaca kale Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba, sida wakaalladda wararka ee dalkasi ay sheegtay.

Wakaalladdu waxay soo xigatay saraakiil Sacuudiyaan ah oo sheegaya in ay uga golleeyihiin in ammaanka qaranka ay ka ilaaliyaan halista argagixisada iyo xag jirka.

Dalka Isutagga imaaraadka Carabta ayaa diplomaasiyiinta Qadar u qabtay in ay dalkooda kaga baxaan 48 saac gudahood iyagoo ku eedeeyay Qadar in ay maalgaliso argagixisada.

Xiisada cusub ee kasoo cusbonaatay gobolka ayaa la sheegayaa in ay saameyn xooggan ku yeelan doonto dhaqaallaha dhamaan wadamadda Khaliijka.

Bishii lasoo dhaafay Website-ka shabakadda Warbaahinta (Al Jazeera Media Network) ee fadhigeeda dhexe uu ku yaallo magaalladda Doha ee caasimadda dalka Qadar, ayaa laga mamnuucay qaar kamid ah wadamadda Khaliijka, sida Sacuudiga iyo dalka Imaaraadka Carabta, sida dowladdaha ay sheegeen.

Maamulka Telefishinka  Al Jazeera, ayaa sheegay in ay baarayaan sababtii looga mamnuucay dalalkaasi.

Afhayeenka hay’adda sharci dejinta isgaarsiinta dalkasi, ayaa sheegay in ay ka warqabaan sababta looga joojiyay Al jazeera dalkaasi ayna baaritaano wadaan.

Hay’adda ayaa la filayaa in ay war-saxaafadeed buuxa ay soo saarto marka ay baaritaanka uu u dhamaado.

Afhayeenka Al Jazeera ayaa sheegay in ay ka war heleen war sheegaya in digital platforms-kooda laga mamnuucay dalalka gobolka.

Dhinaca kale qaar kamid ah warbaahinta dalalka Khaliijka ayaa sheegaya in Al Jazeera ay baahisay warar aan xaqiiq laheyn oo ka fog dhex-dhexaadnimada.

Telefishinka Aljazeera waxa la asaasay sannadkii 1996-dii, waana Warbaahinta Telefishin ee ugu horreysay ee Dunida Carabta ee laga baahiyo Waraarka iyo Doodaha Tooska ah.

Comments

comments

SHARE