Hoggaamiyaha Sare Ee Iran Ayatollah Ali Khamenei Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Siyaasadaha Reer Galbeedka.

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay axadii in weerarada ay gaysanayaan kooxda Islamic State ee Yurub iyo meelo kale ay muujinayaan in siyaasadaha reer galbeedka ee Bariga Dhexe uu iyaga ku yeeshay saamayn ka soo horjeeda midi ay filanayeen.

“Maanta, Daacish waxa laga saaray halkii ay kasoo farcameen ee Ciraaq iyo Suuriya oo ay u guureen dalal kale –sida Afghanistan, Pakistan iyo xataa Filibiin iyo dalalka Yurub,” ayuu Khamenei ku sheegay hadal uu ka jeediyay telefishanka.
“Tani waa dab ay shideen awoodaha reer galbeedka haddana iyaga ayuu saamayn ku yeeshay,” ayuu u sheegay kulan ay kasoo qayb galeen saraakiisha sare ee Tehran xaflad lagu maamuusayay sanad guuradii geerida hoggaamiyaha kacaanka Ayatollah Khomeini Ruhollah ee 1989.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay Khamenei in wadanka ay xafiiltamaan ee Sacuudi Carabiya ay cadeen u tahaykhasaaraha ba’an ee uga yimid wadamada la saftay Maraykanka, isagoo tilmaamay qiimaha sare ee bilyan dollarka ay ku heshiiyeen inta lagu guda jiray booqashadii May uu ku tagay magaalada Riyadh Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
“Si ay xal dhexe ula gaaraan madaxweynaha cusub ee Maraykanka, dawladda Saudi waxaa lagu qasbay in ay ku bixiyaan in ka badan nus ka mid ah ilahooda dhaqaale si ay u meelmariyaan ujeeddooyinka America iyo si waafaqsan dawlada Maraykanka doonistooda,” ayuu yiri Khamenei

Comments

comments

SHARE