Wasiirul dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa waxaa uu ka Hadley sababta ay xukuumadda Somaliland Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa ay shalay uga hor-istaagtey in uu ka dhoofo garoonka diyaaraha ee Hargeysa

Wasiirka ayaa warbaahinta u sheegay in Prof. Buubaa uu sitey Passport ka dalka Soomaaliya isla markaana aaney ka dawlad ahaan ogleen in qof sita Passport ka dalka Soomaaliya uu ka dhoofo Somaliland.

Si kasta ha ahatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in masuulyiin xukuumada ka tirsani ay ku safraan Passport-ka dalka Soomaaliya, sidoo kale Prof Buubaa ay dhawr jeer oo uu hore dalka uga dhoofay oo kaga safray Passport-kan laakiin lama garan karo sababta shalay keentay in loogu diido.

Comments

comments

SHARE