War Deg Deg Ah: Madaxweyne Farmaajo Oo Khubada Nooc Kale Ah U Jeediyey Shacbkiisa Kuna Tilamaamey Dad,,,

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray garoonka Banaadir Stadium, halkaa oo la filayo in madaxweynuhu uu kula hadlo kumanaan dadweyne ah oo dhigaya dibadbax lagu taageerayo wax qabadkii dowladda ee 100ka maalmood.

Madaxweynaha waxaa sidoo kale ku wehlinaya garoonka oo la socda ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Garoonka ayaa waxaa ku sugan dadweyne isaga kala yimid 17ka degmo ee gobolka Banaadir, kuwaa oo qaarkood Basaas looga soo qaaday xaafaddaha magaalada.

Amniga ayaa siweyn loo adkeeyay waxaa xiran inta badan jidadka muhiimka ah ee caasimada, inkastoo la filayo in dibadbaxyadan soo gabagaboobaan saacadaha hore ee maanta.

Wixii warar ah ee dibadbaxyadan ka soo kordha waan idin soo gudbin doonaa.. Iyo Waxa U kula hadlay shabkiisaba

Comments

comments

SHARE