Somaliland: “Musuqmaasuqa Iyo Sicir-bararka Jira, Cisaabaddaa Waddanka Haysata Qof Kale Kuma Weheliyo…” Sheekh Aadan-Siiro

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee doraad kaga hadlay Ahmiyadda ay leedahay wax bixinta iyo Taakulaynta Dadka baahan iyo sida khayrka badan looga helo Bisha Ramadaan oo kale.

Sheekha ayaa Khudbadda kaga warramay baahida ka jirta Somaliland iyo jiritaanka Qoysas dhan oo noloshu cidhiidhi ku tahay, isagoo tusaale u soo qaatay isla-markaana Masaajidka Qaadhaan uga ururiyey Qoys 10 Carruur ah leh, mid keli ahina uu Iskuulka dhigto.

Sheekh Aadan-Siiro oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan khudbaddan ka sameeyay Qoys ka kooban Toban Carruur ah oo Masaajidka ku dhow, tobankaa Carruurta ah oo imika Mid keliya uu Iskuulka ka dhigto. ILAAHAY Qur’aanka wuxuu ku sugay Sifooyinka Jannada lagu helayo inay ka mid tahay in ILAAHAY Dartii wax loo bixiyo oo Cidda u baahan la siiyo. Weliba Bisha Ramadaan ay tahay Wakhtiyada ugu Habboon ee Jannada lagu helayo, sida Axaadiis badani tilmaameen. Waxa taa ka sii fog kuwa Masuuliyaddu ay saaran tahay ee Tobankaa Carruur ah ee soo ootay Masuuliyaddoodu saaran tahay.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu ka warramay culayska Masuuliyaddu leedahay iyo sida ILAAHAY ula Xisaabtami doono Dadka Masuuliyaddu saaran tahay, “Ma jiro Nin ka masuul ah 10 Qof, haddii kale ILAAHAY baa la hor joojinayaa isagoo labada Gacmood ka xidhan, tobankaasi Cadaaladdoodii iyo xaqoodii illaa la xaqiijiyana Xadhigga lagama furayo ayuu yidhi Rasuulku (CSW).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay habboon tahay in la keeno Qorshe lagu daryeelayo Dadka Baahan ee reer Somaliland, sida in Masaajiddada ka dhisan Hargeysa oo Afar boqol ka badan Dadka Jimcaha ku Tukadaa keenaan Min kun Shilin oo Somaliland ah, si markay ururto Dadka dhibaataysan loo siiyo, laakiin iyadoo taasi la samayn karayo ay khalad tahay inaan la samaynin, “Ma Maanta ayaynu ka wada-hadlaynaa Toban Carruur ah oo midna aanu Dugsi Waxbarasho ka tagin oo Raashinkii loo raadinayo.” ?

Sheekhu waxa kale oo uu Khudbaddiisa ku soo qaatay Tusaaleyaal ay ka mid yihiin in Cumar Binu Khaddaab uu xilligii uu Muslimiinta xukumayey uu habeenkii iyo Maalintiiba ka war hayn jiray Dadka Muslimka ah ee dhibaatadu la soo deristo isla-markaana mararka qaarkood uu isagu Gacantiisa Raashinka ugu karin jiray, “Ujeeddada Qisadu maxay tahay, kuwa Masuuliyaddu saaran tahay ee aad ogtihiin siday u nool yihiin iyadoo Ummaddu soo wada oodatay, Magaalada Badhtankeeda ayaynu ka warramaynaa Toban Carruur ah oo soo ootay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Xukuumadda ku eedeeyay Masuuliyadda Sicir-bararka Dalka ka jira, “Bal Sicir-bararkan eeg, Adeer iyadoon Miisaaniyaddu ahayn $ 360 Milyan, Dhaqaalaha Dalkuna aanu sidan ahayn, ayaa Sarrifka Boqolka Dollar lagu hayey 650,000 kun oo Shilin, waa maxay imika Sababtu (Sicir-bararka keentay?. Wax alaale iyo waxaa Musuqmaasuq jira, wax Alaale iyo waxaa Sicir-barar jira Cisaabaddaa Waddanka haysata Qof kale kuma weheliyo, xataa inta ka baxsan iyaga ayay Masuuliyaddooda tahay inay wax ka qabtaan oo Ummaddu u dooratay.”

Sheekhu wuxuu ka hadlay Lacago Baanka dhexe ee Somaliland ku siidaayey Suuqyada Dalka si Sarrifka Dollarku uu hoos ugu dhaco,  “Shalay iyo doraadba Lacag baa la xaraashay (oo suuqa la geliyey), laakiin 890,000 kun buu ka degi la’yahay (Sarrifka Boqolka Dollar), Waayo? qaar iyaga ka mid ah ayaa Lacagtii Ummaddu lahayd soo gelinaya (Suuqa) oo dib u qaadanaya (Dollarka), weligii isma beddelayo (Qiimaha Sarrifku) inta ay Lacagta soo daabacayaan.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in Dadka Reer Somaliland qaarkood awoodaan inay Dad badan wax taraan, laakiin aamin la’aanta Dawladdu sababtay inaan Cidna Masuuliyad iska saarin dhibaatada Dalka ka jirta ee Baahida Dadku ka mid tahay, “Imika kuwa wax haystaa qaarkood waxay awoodaan inay bixiyaan waxay sannad ku noolanayaan Ummadda la deggan oo dhan, laakiin wuxuu arkayaa kii Talada ka masuulka ahaa oo Hantidoodii baa’biinaya, wuxuu arkayaa kii Dadka ka masuulka ahaa oo Lacagtoodii isticmaalaya, inta ay taasi jirto Taajirku waxba bixin maayo. Laakiin markay dhacdo in Hoggaanku toosnaado, wixiisa halkiisa dhigo, ayaa Muslimiinta kalena ay nolosha wadaagayaan, sida Taariikhda Islaamka laga arkay.”

Comments

comments