Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo U Muuqda Inuu Dalka Ku Hoggaaminayo Siyaasad Guddiyo Dadweyne Taliyaan Iyo Halista Ay Ku Keeni Karto Nidaamka Dawladnimo

Dawladnimadu waa nidaam aadamuhu u samaystay in uu kaga baxo jahwareerka maamul, waa hab ah in la helo cid ku fooggan danaha wadareed ee dalka oo lagu halleeyo xilkaas, si dadka inta soo hadhay ee badani ugu foofto danahooda gaarka ah iyaga oo gudanaya waajibaadka qaran ee saaran, isla markaana helaya xuquuq iyo hannaan ay kula xisaabtami karaan cidda ay talada u dhiibteen.

Dawladnimadu waa nidaam ballaadhan, waxa aana ka mid ah xukuumadda oo ah waaxda fulinta iyo awoodda hawl-socodsiinta qaranka, taas oo ay taladeedu si waafaqsan shuruucda dalka u yaalla uga go’daa madaxa u sarreeya waaxdan.

Maadaama oo ay aad u ballaadhan yihiin waajibaadka qaran ee laga sugayo madaxa u sarreeya waaxda fulinta ee qaran leeyahay, waxaa qasab noqota in uu igmado gacanyareyaal leh awoodo xaddidan iyo waajibaad qeexan oo uu ka soo dhambalay waajibaadka guud ee qaranku isaga saaray, laakiin haddana ereyga u dambeeya iyo fulinta koowaad aanay gacantiisa ka baxayn.

Gacanyareyaasha hoggaamiyaha oo innagu dastuuri ahaan aynu u naqaanno golaha wasiirrada iyo hay’adaha madaxa bannaan ee dawladda waxa ay leeyihiin masuuliyado ay ku maamulaan waaxda ay madaxweynaha u qaabilsan yihiin iyada oo mishiinka runta ah ee ay ka shaqaysiinayaan yahay shaqaale weyne dawladeed oo uu ugu soo sarreeyo agaasimaha guud ee wasaaradda ama hay’adda. Si aanay shaqooyinka wasaaraduhu isugu dhicin, iyo si aan shaqo isku mid ah lagu celcelin ama isbarbar yaac aanu iman, waxaa wasaarad iyo hay’ad kasta loo sameeyey xayndaab masuuliyadeed oo u xidhan, waxa aana cad hay’adda la siman shaqada ay wadaagi karaan ama shaqada midkood ta kale ku maamulayso iyo meelaha aanay shaqo isku darsan karin.

Marka nuxurka shaqada wasaaradahaas la soo ururiyana waxaa uu ku talogalku yahay in shaqada qaranka ee xukuumaddu dadka soo doortay u haysaa ay si habsami ah u socoto, dadkuna ogaadaan jaranjarrada maamul ee ay u marayaan danaha ka maqan.

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 90 waxa uu si cad u sheegayaa in waajibaadka madaxwynaha laga sugayo ay ugu horreyso in uu dhawro haybadda dalka iyo nabadgelyada, kana shaqeeyo horumarinta bulshada iyo habsami-u-socodka maamulka dawladda, qodobkaas iyo faqradaha ku hoosjira ee uu dastuurku taxayo sababta koowaad ee loo dejiyey waa in aanay awooddu meel dhexe ku lumin, danta qarankuna aanay dayacmin iyo in taladu ay urursanaato.

Waa arrin caadi ah in madaxweyne uu magacaabo guddi farsamo oo kala shaqaysa hawl soo darrisday, sida in ay baadhaan sababta dhibaato u dhacday, ama sida ugu habboon ee xal loo heli karo, dabeecadda gudidduna waa in ay qabato hawsha kooban ee loo diray, kadib warbixin ku celiso hoggaamiyaha, isla marka ay shaqadeeda dhammaysana ay baaba’do. Inta badanna guddiyada la magacaabayaa waxa ay noqon karaan; Guddi qabanaysa shaqo hay’ad kale oo dawladeed lagu ogyahay iyo in ay tahay guddi qabanaysa shaqo aan cid gaar ah oo madaxweynaha ka hoosaysa lagu ogeyn, ama in ay tahay guddi madax bannaan oo arirn gaar ah loo diray.

Haddii ay guddida hore tahay waa in ay ku xidhnaato hay’adda shaqadan qaran ee ay qabanayso madaxweynuhu u igmaday, iyadana u noqoto kaaliye xoojinaya uun, haddii ay guddida labaad tahay waa in ay caddaato waajibaadka ay qabanayso guddidu, lana hubiyo in aanay isku dhacayn waajibaad ay hay’ad dawladeed oo dastuuri ahi leedahay.

Haddii ay ta saddexaad tahayna waa in ay noqoto guddi arrin dhacday baadhaysa oo warbixinta ka soo baxda ay ka dhashaan tallaabooyin fulineed iyo go’aamo la taaban karo.

Waxaa jira guddiyo aan ahayn kuwaas, oo ah kuwa loo yaqaanno guddiyo bulsho, kuwooda ugu caansan waxaa ku caano maala xukunnada keli-taliska ah oo si ay dadka u dhexgalaan samaysta guddiyo kala duwan oo bulshada dhexdeeda uga adeega.

Waxaa iyaguna jira guddiyo laga sameeyo dhulalyowga ay dawladuhu daciifka yihiin ama nidaam la’aantu ka jirto, kuwaas oo ay shaqadoodu tahay in ay buuxiyaan kaalinta ay dawladdu bannaysay ama ka gaabisay. Waxa aanay ka shaqeeyaan in ay bulshada dhexgalaan oo ay dhaqaale ururin iyo tabarucaad ka keenaan kadibna ku qabtaan shaqooyinkii dawladda fashilantay laga sugayey.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa isla maalmihii doorashada madaxweynenimada uu ku guulaystay sannadkii 2010 waxa uu amgacaabay guddi uu ka codsaday in ay ka soo talobixiyaan qaabka iyo tirada ay xukuumaddiisu noqon doonto. Taas oo markiiba dhalisay in wax la iska weydiiyo sababta aanay madaxweynaha ugu caddayn tirada xukuumadda uu doonayo iyo qaabka ay yeelanayaan, isaga oo ahaa ruug caddaa 8 sano ahaa mucaarad, weliba sannadihii dambe ay caddayd in uu yahay madaxweynaha soo socda. Laga soo bilaabo waqtigaas, guddi samayntu waxa ay

Madaxweyne Siilaanyo u noqotay balwad uu caan ku noqday, isagoo arrin kasta oo soo korodha u saara guddi. Waxa aana lagu dhaliilaa in aan la arkin jawaab ka soo noqota guddidaas iyo tallaabo la odhan karo taladooda ayaa ay xukuumaddu ku qaadday.

Guddiyadaas bilowgii hore waxa uu maaxweyne Siilaanyo ka dhex xuli jiray golihiisa wasiirrada, xildhibaannada iyo masuuliyiinta ku dhex jira nidaamka dawladda. In kasta oo lagu dhibsan jiray in masuuliyiinta qaar uu ku daro guddiyo tiro badan, taasina keenayso in masuulku uu ka gaabiyo gudashada waajibaadkii xilka uu rasmi ahaan ugu magacaaban, haddana weli xaalku waa uu urursanaa, oo guddida waxaa ku jiray masuuliyiin awalba shaqada guddida loo diray gacanta ku hayey.

 

Hase yeeshee, muddooyinkan dambe arrinta guddiyadu waa ay isa sii beddeshay, oo tiradooda oo aad u sii korodhay waxaa soo raacay in Madaxweyne Siilaanyo uu guddiyada ka soo dhex xusho bulshada caadiga ah.

Waxaa ay tani keentay dhawr ceebood oo is barkan: waxaa ka mid ah hay’adihii qaranka ee shaqada guddida loo diray lahaa oo fadhiid noqda, maadaama oo guddida la magacaabayaa aanay hoos iman ama ku xidhnayn.

Jaahwareer ku yimaadda qiimayntii xukuumadda lagula xisaabtami lahaa in ay gudatay waajibaadkeeda, maadaama oo guddidu ay si dadban u noqotay mid ay xukuumaddu kaga xuubsiibato waajibaadkii iyada laga rabay, dadkuna ku mashquulaan uun guddida hadal haynteeda, waana laga yaabaa in ay tahay ujeedada runta ah ee marka horeba guddida loo abuuray.

Waxa se ugu daran, taladii iyo siyaasaddii qaranka oo gacanta u gasha dad shacab ah iyo guddiyada laftooda oo marar badan ku hafta waajibaadka loo diray, qas badanna geliya jidka ay tahay in ay u maraan shaqadooda iyo cidda ay tahay in ay la xisaabtanto.

In 20 sano oo ay Somaliland lahayd dawladnimo hanaqaadday iyo hay’ado qaran oo dhismaya kadib, in madaxweyne Siilaanyo ku maamul guddiyo bulsho oo hawshii xukuumaddiisa laga sugayey iyagu qabta, waxa ay halis u tahay in ay dhuuxa ka saarto dawladnimada Somaliland; In muwaadiniintu ay ku jaahwareeraan cidda ay kala xisaabtamayaan waajibaadka qaranka, sida gaabis ku yimaadda wax ka qabashada aafooyinka dabiiciga, dhibaatooyinka dhaqaale ee yimaadda iyo wixii la mid ah; Iyo in kalsoonidii muwaadinku ku qabay dawladnimadu meesha ka baxdo.

Madaxweyne Siilaanyo oo muddada xilkiisa ay ka hadheen maalmo in yar ka badan 150 dharaarood, ayaa weli ay bulshadu uga marti tahay in uu caano qubtay dabadood gaadho oo uu ka shaqeeyo soo celinta haybadda xukuumadda, talada guddiyada dadweynaha ku dhex luntayna uu ku soo celiyo gacantiisa, si loo helo hab lagu ogaan karo shaqada runta ah ee ay qabatay xukuumaddiisu, isla markaana uu dalka uga tago nidaam xukuumadeed oo ay hay’adaheeda dastuuriga ah dhisan yihiin. Maaha in Somaliland lagu maamulo nidaam guddiyo dadweyne taliyaan sida jaaliyadaha ku nool dalalka dibadda ee guddiyada samaysta si ay isu maamulaan.

Comments

comments