Somaliland: Ma Dhaba Inu Madaxweyne Siilaanyo Xilka Ka Qaadayo Badhasaab Ku Xigeenkii Gobolka Saraar ?

Xoggo Hoose oo Ay Halayso Shebekada Wargane Ka Helayso Qasriga Madaxtooyada ayaa sheegay In Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu xilkii ka caydhiyay gudoomiye ku xigeenkii gobolka Saraar Ibraahim Jaamac Maxamed

Inkastoo aaney jirin digreeto usoo saarey mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo”haddana warar kasoo baxaya magaalada caynaba ayaa tilmaamey in madaxweynaha Somaliland uu masuulkan xilkii ka caydhiyay isla markaana uu soo magacaabey gudoomiye ku xigeen cusub.

Xoggaha aan ka helayno arrintan ayaa intaa ku daraya xilka qadiista uu madaxweynaha Somaliland ku sameeyay gudoomiye ku xigeenkii gobolka saraar ay timi ka dib markii khilaaf mudo soo jiitamayay uu ka dhaxeeyay gudoomiyaha gobolka saraar Cali maxamed faarax Iyo gudoomiye ku xigeenka xilka hadda laga qaadey Ibraahim Jaamac Maxamed

Si Kastaba ha ahaate Shebekada Wargane oo isku dayday iney xidhiidh la sameyso gudoomiye ku xigeenka Saraar ayaaney noo suurta galin kadib markii uu masuulkani telefoonkiisa ka jawaabi waayay, waxaaney shacabka Somaliland indhaha ku hayaan bal halka ay sal dhigato amuurtani

Comments

comments