Somaliland: Dawladda Hoose Oo Bilaabaysa Hawl-gal DUQSI LA DIRIR AH & Dadka Mastaafurka Ah Oo Lagu Buufinayo Kaantaroollada Laga Soo Galo Caasimadda

Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa Xaafadaha Magaalada Hargeysa qaarkood ka bilaabaysa Hawl-gel lagaga buufinayo Xasharaadka uu Duqsigu ka midka yahay, si looga gaashaanto in Cudurka Shuban-biyoodka ee ka dillaacay Burco uu ku soo faafo Caasimadda.

Sidoo kale, waxay Kaantaroollada laga soo gelo Magaalada Hargeysa la dhigayaa Qalab lagu buufinayo Dadka Magaalada soo gelaya iyo kuwa ka baxaya, si Qofka soo gelaya looga reebo wixii keeni karaya Cudurrada faafa ee la socda, ama aanu Magaalada uu tagayo u sii qaadin xanuun.

Sidaana waxa ku dhawaaqay Maayarka Magaalada Hargeysa oo Shalay qabtay Shir-jaraa’id oo uu ku shaaciyey inay Magaalada Burco u dirayaan Saddex Mishiin oo lagu buufiyo meelaha lagu hayo Dadka uu soo ritay Cudurka Shuban-biyoodku.

Maayarka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Walaalahayaga Burco waxaanu Maanta (Shalay) Hargeysa uga direynaa Saddex Mishiin oo ah kuwii lagu buufinayey Xanuunka (Shuban-biyoodka). Saaxiibkay Maxamed Muraad (Maayarka Burco) iyo Shacabka Burco waxaan leeyahay ILAAHAY ha idiinka sahlo Xanuunka (Shuban-biyoodka)..”

Maayarku waxa kale oo uu shaaciyey, “Magaalada Hargeysa, gaar ahaan meelaha Dadka danyarta ahi deggan yihiin waxa laga samayn doonaa Buufin, siiba meelaha duqsigu ka dhashay. Kaantaroollada Magaalada laga soo gelana waxa laga samayn doonaa Buufin Khafiif ah, si aanu Qofku Jeermisna qaadin, Jeermisna soo qaadin, labada dhinacba si loo bedbaadiyo, markaa ha dhibsanina, waa bedbaado Naftaada ah iyo Dadka aad la nooshahay.

Comments

comments