Somalia: Qabanqaabada dibadbax lagu taageerayo DF Soomaaliya oo ka socda Muqdisho

Waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana soconaya qabanqaabada dibadbax  lagu taageerayo wax qabadkii boqolka maalmood ee Madaxweyne Farmaajo iyo guud ahaan dowladda federaalka

Diyaar garowga iyo abaabulka dibadbaxa ayaa maalmihii la soo dhaafay laga dareemayay magaalada Muqdisho, kaasoo uu waday Maamulka Gobolka Banaadir.

Dadweyne fara badan oo ay ku jiraan haween ayaa basas looga soo qaadayaa xarumaha degmooyinka, iyadoo dibadbaxa lagu wado in la soo gabagabeeyo gelinka hore maanta, maadaama ay xilli Ramadaan tahay.

Madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ayaa ka qeyb galaya banaan baxa, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu khudbadiisa u horeeyay oo fagaare shacabka ugu jeedin doono, taasoo dad badan ay u dhega taagayaan.

Si kastaba ha ahaatee banaan baxan maanta oo Axad ka dhacaya Muqdisho ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ugu ballaarnaa ee ka dhaca Muqdisho, tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii Madaxweyne Farmaajo oo dadweyne fara badan ay ka dhigeen Muqdisho iyo gobolada kale isu soo bax soo dhoweyn ah.

Comments

comments