Somalia: Arrimo Caynka Ah Ayu Ka Hadlay Xasan Cali Kheyre

Ra’iisal Wasaaraha dalka Somaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galay bannaan-bax lagu taageerayay 100-kii maalmood ee ay jirtay Dawladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka hadlay labadii bilood ee ay jirtay Xukuumadda uu hoggaamiyo iyo wax yaabihii u qabsoomay.

Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre waxa ugu horeyn uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay dawladda u hayaan, wuxuna tilmaamay in waajib ay tahay in bisha ramadaan laga wada shaqeeyo danta guud ee dalka iyo dadka, gaar ahaan sugidda amniga, horumarinta caddaaladda, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo gar-gaarka dadka danyarta ah.

Mudane Xasan Kheyre ayaa soo hadal qaaday sida ay xukuumadiisa uga go’an tahay in caqabadaha jira looga gudbo iskaashi dhex mara guud ahaan hay’adaha dawladda iyo bulsho weynta Soomaaliyeed.

 

Comments

comments