“Ronaldo ayaa u qalma ku guulaysiga Ballon d’Or” – Florentino Perez

Madaxwaynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa durbadiiba bilaabay cadaadiska uu FIFA ku saarayo in Ballon d’Or loo gacangaliyo Ronaldo.

Laacibka reer Portugal oo 4-jeer ku guulaystay abaal marintaas, ayaa markaan qarka u saaran inuu soo barbareeyo Lionel Messi kaas oo 5-jeer ku guulaystay xiddiga ugu fiican aduunka.

Florentino Perez ayaa sheegay in markaan aysan jirin cid ka hor istaagi karta Cristiano Ronaldo inuu ku guulaysto laacibka ugu fiican aduunka markiisii 5-aad.

“Aad ayaan u faraxsanahay waayo waan guulaysanay, ma garanayo halka aan ka bilaabo, laakiin tani waa bilowga guulaha xiliciyaareedka dambe” ayuu u sheegay AS.

“Qaybtii labaad aad ayaan uga fiicnayn, ma aanaan dhibtoon sidii nagu dhacday Lisbon iyo Milan, haatan ma jirto cid uga xaqleh Ronaldo inuu ku guulaysto Ballon d’Or markii 5-aad, waxaa waajib ah inuu ku guulaysto”.

Comments

comments

SHARE