Real Madrid oo hanatay Champions League markii labaad oo xiriir ah kadib guul ay ka gaartay Juventus

Kooxda Real Madrid ayaa samaysay taariikh aan horay uga dhicin koobka Champions League tan iyo markii loo bixiyay magacaas xiliciyaareedkii 1992-1993.

Real Madrid ayaa difaacatay koobka horyaalada yurub oo ay horay ugu guulaysatay sanadkii hore, waxayna caawa 4-1 uga adkaadeen kooxda Juventus.

20 daqiiqo Ronaldo ayaa daah furay goolasha kooxdiisa kadib baas fiican oo uu ka helay Carvajal, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Juventus ayaa kadib soo qaaday weeraro isdaba joog ah si ay isaga soo gudo goolka looga hormaray, 27 daqiiqo Mandzukic ayaa gool cajiib ah ka dhaliyay goolhaye Navas kadib kubadd uu kahelay saaxiibkiis Higuain.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-1.

Qaybtii dambe, Real Madrid ayaa ku soo gashay qaab ka duwan kii hore, 61 daqiiqo Casemiro ayaa shuud xogan daba mariyay goolhaye Buffon, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-1.

3-daqiiqo kadib, Ronaldo ayaa sii quusiyay kooxda tababare Allegri wuxuuna shabaqa ku hubsaday kubadd uu banaanka u soo dhigay Modric, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-1.

83-daqiiqo garsooraha ayaa casaan u taagay Juan Cuadrado kadib markii uu qaatay jaalihiisii labaad, wuxuuna kala tuuray kabtanka Real ee Ramos

89 daqiiqo Marco Asensio oo badal ku soo galay ayaa hurdo u diray ciyaarta, kadib markii uu shabaqa ku hubsaday goolkii 4-aad.

Niyad jab wayn ayaa xiligaas kadib soo wajahay kooxda Juventus, ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 4-1 oo ay guushu ku raacday Real Madrid.

 

Comments

comments

SHARE