Nin U Sucuudi Ah Oo Sabab U Noqday In Ay Dadka Ku Noola Magaalada Madiina Ka Hor Afuraan Xilligii Eedaanka !

Nin u dhashay Dalka Sucuudiga oo da’diisu tahay 30 sano ayaa waxa uu  ku dhaqaaqay tallaabo aad u layaab badan kadib markii uu qaatay sameecad uu ku eedaamay arrintaasi oo shacabka ku nool magaaladaasi aanay hubsan eedaankaasi oo ay iska afureen.

Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday bariga magaalada Madiina gaar ahaan xaafada loo yaqaan Al-wacira waxaanay dadka xaafadaasi ku dhaqan afureen shan daqiiqo ka hor xilligii caadiga ahaa.

Ninkan ayaa dusha ka fuulay aqalkaasi kadibna waxa uu ku dhuftay eedaankii, balse dadka xaafada la degan ayaa waxay xaqiijiyeen in aanu caafimaad qabin oo uu hayo xanuun xagga dhimirka ah sida lagu soo bandhigay jarriidada Okaz ee ka soo baxda Dalkaasi.

Comments

comments

SHARE