War Deg Deg Ah: Goobo Ka Mid Ah Caasimadda Hargeysa Oo Lagu Arkay Xanuunka Shuban Biyoodka

Warar deg deg ah oo hada soo gaadhaya xafiiska war qabadka ee shabakada wargane waxaa ay sheegaya in kiisaskii ugu horeeyey ee xanuunka shuban biyoodka lagu arkay goobo ka mid ah xaafadaha magaalada Hargeysa

Goobaha la sheegay in xanuunkan lagu arkay kiisaskiisa ayaa waxaa ka mid ah xaafada Maxamuud Haybe ee koonfurra magaalada Hargeysa .

Sidoo kale waxaa kiisaskan lagu arkay iskuulka agoomaha ee Maxamed Mooge kaas oo ay iminka gurmad deg deg ah ku tageen wasiiro iyo masuulyiin xukuumada ka tirsan isla markaana iminka iskuulkaasi bahda caafimaadku ka bilaabeen in ay ku buufiyaan daawooyinka xanuunkaas lagula tacaalo.

Comments

comments