Wasiirka wasaarad caafimaadka Somaliland Saleeban Axmed Ciise Xaglotoosiye ayaa waxaa uu beeniyey hadalo ka soo yeedhay masuulyiin uu ugu horeeyo wasiir Cali Mareexaan.

Wasiir Cali Mareexaan ayaa waxaa uu xalay warbaahinta ka sheegay in daawooyinkii lagula tacaalaayey shuban biyoodku ay cisbitalka weyn ee Burco ay ka madheen oo ay gaabaabsi noqdeen .

Wasiir Xaglotoosiye oo hadaladaasi ka jawaabaya ayaa waxaa uu sheegay in wax dawo ah oo ka madhatey cisbitaalka Burco aaney jirin isla markaana  buun buunin iyo been arintan laga sheegaayo

” Wax dawo ah oo go,dey ma jirto , hawshuna si fiican ayey u socotaa , buun buunin , been iyo hawlo siyaasadeysan ayaa ay hawshani la kulantey ” ayuu yidhi

Comments

comments