Somaliland: Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Xidh-xidhay Ragg Farmasiiyo Ku Haysta Burco + Sababta

ararka magaalada Burco naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in wasaaradda Caafimaadka Somaliland xidhxidhay rag xarumo caafimaad oo Farmasiiyo ha ku haystay gudaha Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo wakhti xaadirkan ay ka jirto xaaladd adag oo uu sababay xanuunka Shuban Biyoodka ka dilaacay gobolka Togdheer.

Raggan ay wasaaradda Caafimaadka oo kaashanaysa ciidamada Booliska Togdheer ay xidhxidheen ayaa waxa tiradooda naloogu sheegay Saddex xin kuwaas oo farmasiiyo ku haystay gudaha magaalada Burco isla markaana la sheegay in ay ku dawaynayeen dadka uu soo ritey xanuunka Shuban Biyoodku.

Waxaana la sheegay in xadhiga raggan haystay xarumaha Caafimaad uu ka danbeeyey kadib markii la sheegay in farmasiiyadaasi lagu dawaynayey dad uu soo ritey xanuunka Shuban Biyoodku sidaas awgeedna uu wasiirka Caafimaaadka Somaliland markii uu maqlay uu amray ciidamada Togdheer inay soo qabtaan raggaasi.

Sidoo kalena wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye” ayaa digniin gaadhsiiyey farmasiiyada Burco ku yaala isaga oo u marinaya wasaaradda Caafimaadka gobolka Togdheer,waxaana uu dhakhaatiirta haysta xarumahaasi Caafimaad ee Farmasiiyada ah uga digay in ay daweeyaan qof uu soo ritey xanuunka Shuban Biyoodka,waxaana sidoo kale la kordhiyey xarumaha caafimaad ee lagu dawaynayo dadka uu soo ritey xanuunka Shuban Biyoodku iyada oo laga dhigay gudaha Magaalada Burco oo kaliya 8 xarumood oo la gayn karo dadka uu soo ritey xanuunku.

Burco waxa ka socda dadaal xoogan oo lagula jiro sidii loo cidhib tiri lahaa xanuunka Shuban Biyoodka oo kusoo faafaya Burco isla markaan soo ritey dad tiro  badan.

Comments

comments