Somaliland: Ma Dhabaa In Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland U Khilaaf Soo Kale Dhex Galay Balse Waa Ayo ?

Laba Wasiir oo ka tirsan xukuumada madaxweyne Siilanyo ayaa waxaa ay wararis khilaafsan ka soo saareen daawoyink shuban biyoodka Burco ka dilaacay lagula tacaalayo .

Wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Saleeban Axmed Ciise Xaglotoosiye oo idaacada VOA la Hadley ayaa sheegay in cisbitalka guud ee Burco uu haysto daawadii iyo agabkii loogu baahnaa in xanuunkaasi lagula tacaalo hastaan daawada iyo agabkii loo baahnaa isla markaana

“Waanu haysanaa daawo iyo agabka aanu u baahanahay oo aad iyo aad u wanaagsan haday noqoto xukuumada, haday noqoto haayadaha qaramada midoobay iyo iyo haayadaha caalamiga ahba. daawo iyo agaba waanu haysanaa alle mahadii in nagu fulin oo aanu xanuunkan kula dagaalano.” Ayuu yidhi wasiir Xaglotoosiye

Wasiir Cali Mareexaan oo diyaarad dawo sida madaarka Berbera ka soo dejiyey ayaa waxaa uu isna goobataasi ka sheegay in cisbitaalka Burco ay ka go,dey daawadii lagula tacaali lahaa xanuunka shuban biyoodka isla markaana diyaaradan uu soo dejiyey ay baahidaas dabooli doonto

“Shalay anaga oo Hargeysa ka soo socona oo Berbera ku soo socona oo hawl kale u socona ayaa naloo soo sheegay in magaaladii Burco ee shubanku ka jiray daawooyinkii loo isticmaalayay ay gabaabsi ku jiraan runtii aad iyo aad ayaanu u warwarnay, sidii masuuliyiinti caafimaadka ee hawshaas gacanta ku haysayba ay uga warwareen isla markiiba waxaanu la hadalnay shirkadaha daawada ee Hargeysa jooga, waxa ay noo sheegeen in aan Hargyesa daawo ku fulan laga helayn markaas shirkada Liibaan aan Iimaan oo daawadii way noo dalbeen markiibana waxa la yidhi maxaa deg deg loogu soo qaadi karaa iyadana diyaarad ayaa loo baahday Kiiniya ayaanu ka dalbanay si ay u soo fadhiisato Muqdisho oo ay daawadu u taalay shirkada, alle mahadii si hawshaasi u guulaysato maanu fadhiisan imikana waataas daawadii timi” ayuu yidhi

Hadaba labadan Masuul keeba war aan hubin bulshada u sheegaya ma wasiirka arintan u xil saraan ee wasaarada Caafimaadka mise Wasiirka dusha kaga soo dhacay hawsha daaweenta ee hawlaha Guud .

Comments

comments