Somaliland: Ma Dhabaa Inu Khilaaf Culusi Soo Kale Dhex Galay Guddoomiye Cirro Iyo Hoggamiye Xirsi + Jirde

Mudane Cabdiraxman Cirro mid walba gaarkiisa ayuu ugu yidhi adaa xisbiga ugu sareeya,aniga dabadayna mid walba wuxuu ku yidhaahdaa adaa murashax ah,tani waxay daliil u tahay cirro oo isticmalaya wajiyo farabadan.
Nin ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee xisbiga Waddani waxa uu ku sheegay waraysi uu dhawaan Hadhwanaag siiyay in Xirsi –hogaamiyaha waddani hoos tago Cabdiqaadir Jirde gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani.
TANI: waxa ay ka horimanaysaa amba burinaysaa doodii Xirsi dhalinyarada Bariga Burco ku beerlaxowsan jiray ee ahayd anigaa Cabiqadir jirde ka sareeya,murashaxa wakhti xaadirkan Cirro wixii ka danbeeyana xisbiga anaa ka murashax ah.
MISE.Mudane Cabdiraxman Cirro mid walba gaarkiisa ayuu ugu yidhi adaa xisbiga ugu sareeya,aniga dabadayna murashax ah,tan waxa u daliil ah hadal uu sheegay Mustafe Martin oo Maraykan dagan kaasi oo sheegay in Mudane Cirro laba nin oo qurbaha
wada jooga iskuna magaala ah,in uu mid walba dhinaciisa ka magacaabo,kuna yidhaahdo adigaa halkan ii matala,sheekadaasi waxa ay ka taagan tahay magaalooyin badan oo Yurub iyo Waqooyiga America ah,sidaa darteed mar hadii nin kasta dhinaciisa dhabarka looga taabtay,wax la eegaaba waa isqabsigooga iyo garnaqooga.

Comments

comments