Ramos oo u jawaabay Dani Alves kadib mugdigii uu galiyay koobkii 1998

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray daafaca Juventus ee Dani Alves.

Daafaca reer Brazil ayaa ku eedeeyay Real Madrid inay gool garab dhaaf ah ku qaaday koobkii 1998 markaas oo 1-0 ay uga adkaadeen Juventus Final-kii Champions League.

Balse Ramos ayaa sheegay in shaqsi walba uu leeyahay ra’yigiisa, isaga oo ku gaabsaday inay is arki doonaan kulanka Cardiff ee caawa.

“Shaqi walba wuxuu leeyahay ra’yigiisa, barri ayaan kulmi doonaa (caawa)” ayuu ku jawaabay Ramos mar wax laga waydiiyay eedeyntii Alves.

“Waa kulan aad muhiim noogu ah, waa inaan u ciyaarnaa sidii hal koox waana inaan sifiican u difaactanaa”.

“Waxaan doonaynaa inaan soo muujino tilmaamaheena ugu wanaagsan, waana inaan samaynaa qaladaadka ugu yar”.

Comments

comments

SHARE