Maxa Kale Haysata Cali Mareexaan Iyo Muniir Axmed “”Anigoo ah Wasiirka Duqsiga amma Wasiir Hebel ayaa xaafadayda amma degaankayga deeqdan oo jeebkayga ah ku caawiyay”

Suxufiga Weyne Ee Muniir Axmed Cigaal oo imikana ah kaaliyah warfaafinta Xisbiga Waddani ayaa waxa u si yaro koban uga hadlay xaalada dalku ku sugan yahay iyo xaaladi guud ee u ku sugan Barigii wasaaradda maaliyada u gacanta ku hayey Samaale

Sorry Madaxweyne Alle nabar xaqdarro hakaga dhigo .

Adduunka Xukuumadda KULMIYE ka horow lama arag oo Somaliland iyo caalamkaba hore ugamay dhicin in Wasiir Madaxweynihii magacaabay joogo, oo Xukuumadii uu ka tirsanaa dhisantahay oo yidhaahda “Anigoo ah Wasiirka Duqsiga amma Wasiir Hebel ayaa xaafadayda amma degaankayga deeqdan oo jeebkayga ah ku caawiyay”. Xitaa iyadoo laga yaabo wuxuu sheegaayo in aanay shaqadiisiba ahayn oo Wasaarad kale Qaranka ugu xilsaaran tahay ..

Waxaan yaabi jiray oo Alle igu ogaa oo aan dhawr jeer wax qoray waagii Cabdicasiis Samaale Wasiirka aha ayuunban arki jiray Wasaarad dhisme Xukuumaddu u dhistay oo Wasiirkii Wasaaradu u mahadnaqaayo Wasaaradda Maaliyada oo uu leeyahay iyada nagu caawisay, xaggay ka keentay Wasaaradda Maaliyadu lacagta ay ku caawisay Madaxweynihii Qaranka ayaa fadhiye, dhawaan Koonfurta Hargaysa ayaa Wasiir intuu tegay yidhi anigoo halkan ka soo jeeda ayaan gaadiidkan iyo waxan idinku caawiyay yaab ..

Midii ugu waalida casayd shalay ayay dhacday markii Wasiir kamid ah Xukuumaddu diyaarad soo saaray 1200 oo kartoon oo uu yidhi “Anigaa jeebkayga ka dalbay”. Subaxanallaah xitaa kamu xishoon Madaxweynihii uu sharaftiisa Wasiirka ku noqday Haddii aanu ka baqayn maanu ka xishoonayn,? .. Waxa ka sii yaab badnayd Badhasaabka Saaxil oo agtaagan oo u mahadnaqaaya Wasiirka, Xukuumadiiba waxay noqotay qofaf qof kasta kaligii eryanaayo wuxuu doono, waxa uga sharaf badnayd oo ummaddu ka iibsan lahayd isagoo yidhaahda”Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddisa ayaa arrintan ku dadaalay oo iska xilsaaray oo keenay “. Sidaa ayaa Wallahay uga qiimo badnayd .

Wali ma dhacday Daahir Rayaale amma Alle hawnaxariiste Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal Xukuumadahoodii in Wasiir iska yidhaado aniga waxaas sameeyay aniga sidaa yeelay .. Waar heedhe Xirsigii illahay hortii kuwan wuu ka farsamo fiicna waayo dheh isagu Haba ka soo shaqeeye wuxuu odhan jiray Xukuumaddu waxay leedahay amma waxay keentay amma waxay hirgalisay…

Allay lehe waxay ahayd haddii aanay Madaxweynaha ka baqayn inay u tudhaan oo ka xishoodaan oo xilka uu u magacaabay kaga xishoodaan.. Cadaani meeyay Waar Boowe raggan u jawaab waadigii laha Xirisi wixii Madaxweynaha ayuu sheegtaye kuwan iyagoo la jooga isagii meeshaba ka saaray kuwan ayaa u baahan wax u jawaabe u jawaab mise halkaas maad gaadhin ?!!!

Maxamuud Xaashi jidkaba haka soo noqdee oo yaanu dhamaystir yeelanbe Wasiirka shalay Diyaarada isku sawiray qudhiisu wuu aragti dhaami laha oo Madaxweynaha ayuu odhan laha intaan ka aqaan ..

Saadanbe ayaynu garan : Nidaamkii Dawladnimo dhaawac weyn ayaa inaga gaadhay Alle Khayr haka dhigo ..

Allow Alleh

Comments

comments