HORDHAC: Kulanka Xiisaha Badan Ee Juventus Vs Real Madrid

Juventus iyo Real Madrid ayaa caawa Cardiff ku kala bixi doona.

Labadan naadi ma aha markii ugu horreeysay ee ay Fiinaalaha Champions League-ga ku kulmayaa,, markii ugu dambeeysay waxaa 1-0 ku badisay Los Blancos.

Wararka labada dhinac

Juventus

-Juventus wax dhaawac ah ma maqaan taas oo ka dhigan in Max Allegri uu safi karo dhinac aad u xoogan

-Allegri wuu dheeli karaa labada shax ee uu caanka ku yahay ee kala ah 4-2-3-1 or 3-4-2-1

Real

-Gareth Bale waxaa la xaqiijiyey in uu taam buuxa yahay, laakiin Zinedine Zidane waxaa wal walk u haya Isco maadama uu ahaa xiddigaha ololahan ugu wanaagsan Real

-Go’aan adag ayey ahaan dontaa in uu keydka dhigo xiddigaha ugu qaalisan taarikhda Real Madrid

-Daniel Carvajal waa diyaar kaddib markii ay sidaas Real xaqiijiyey

Juventus wey badisay 7 ka mida 8dii kulan ee ugu dambeeyey Champions League-ga

-Juventus ayaa badisay 5 ka mida 6dii kulan ee isugu dambeeysay Real Madrid dhammaan tartamada

Comments

comments

SOURCEGoolfm
SHARE