Cajab iyo Cajiib Bal U Fiirso Wax Badan Ayaad Faaidiye!

Waxa aynu maqaalkan ku eegidoonaa mucjisada ku jirta numberka todobaad (7)

  • Ma ogtahay quraanka in loo akhriyo(7) jalaad (cod)
  • Ma ogtahay in salaada ciida la akhriyo tagbiirta 7 jeer
  • Ma ogtahay in xajka marka la daafayo lagu wareego 7 jeer
  • Ma ogtahay in buurta safawa orod lagu maro 7 jeer
  • Ma ogtahay in ilamaha lagu amro salaada marka ay gaadhaan 7 jeer
  • Ma ogtahay in marka uu ilma dhasho loo wan qallo maalinka 7
  • Ma ogtahay in jiraan mucjisooyinkii ugu waa weynaa inay ahaayeen 7 mucjiso “nabi aadan, xaawa, nabi ciise, ushii nabi muuse, hashii reer tamuud, wankii nabi ismaaciil iyo dhalinyaradii yamul kahfi”
  • Ma ogtahay in quraanka lagu sheegay 7 nin “abiilahab, qaruun, haamaan, samiiri,fircoon,asaar iyo nabruud”
  • Ma ogtahay in gabadha waligeedu yahay 7 qof “abaheed,walaalkeed, walaalkeeda xaga aabo, walaalkeeda xaga hooyo, awoowgeed,abtigeed iyo inan ay dhashay haduu jiro
  • Ma ogtahay in alle ka xaraam yeelay 7 dumar ah “ mushrikada,gabadhaada hadaad furtay saddex dalaaqadood,haddii aad qabto afar dumara ta shanaad,gabadha nin kale qabo,gabadha aan cadad bixin, gabadhaadu inantay wadatay,laba dumara oo walaala ah oo aad isku mar guursatid
  • Ma ogtahay in alle ka xaraam yeelay 7 dumara oo qoyskiina ka mid ah “hooyada,walaasha, habaryartaa,eddadaa,walaashaada xaga hooyo iyo wlaashada xaga aabo,iyo ta aad naas wada nuugteen
  • Ma ogtahay in jidhka aadamaha alle ka abuuray ciid ciiduna ay tahay 7 ciidood
  • Ma ogtahay in jihooyinku yihiin 7 jiho “jiho waqooyi,koofur,bari,galbeed,kor,hoos iyo badhtamaha
  • Ma ogtahay in qaaradaha dunidu yihiin 7 qaaradood
  • Ma ogtahay in dayaxu xilliga guga uu maro 7 god ee raqaha
  • Ma ogtahay in midabada qaanso roobaadka ay tahay 7 midab

Comments

comments

SHARE