Somaliland: Burco Aabbo Saddex Carruur Ah Oo Uu Dhalay Ay U Geeriyoodeen Cudurka Shuban Biyoodka Oo Eedayno Ujeediyey Golaha Deegaanka

Aabbo ku nool magaalada Burco ayaa xog waran warbaahinta ka siiyey saddex carruur ah oo uu dhalay oo u geeriyooday cudurka shuban biyoodka.

Aabahan oo uu telefishanka Star ku booqday gurigiisa ayaa sheegay inay saddexdiisa carruur ah oo kal weynaa ay u dhinteen xanuunka shuban biyoodka ee muddooyinkii u dambeeyey Burco faraha baas ku hayay, waxaana uu sidoo kale sheegay in isaga Aabihiina uu haatan cusbitaalka xanuunkaasi u jiifo.

Waxa uu Aabahani sheegay in xero dhiigta oo ay la jaar yihiin ay nadaafad darro ka dhalatay sababtay in cudurka shuban biyoodku caruurtiisa haleelo, xogwarankii uu warbaahinta siiyeyna waxa ka mid ahaa:

“Saddex ciyaal ah baa iga dhintay, midi wuxu jiray laba bilood, midna wuxu jiray 4 sannadood ka kalena wuxu jira 7 sano, iminkana aabahay baa Cusbitaalka yaalla oo aan ka imi, waxaan halkan ka sheegayaa Maayir Muraad oo golaha deegaanka u sarreeya ayaanu u nimi, xero dhiigta oo intaa noo jirta ayaa bakhti lagu qalayay, aniga iyo laba caaqil ayaa ku nidhi wax ka qabo, wuxuu nagu yidhi waxba ka qaban maayo, kadib halkaas ayaanu taayirro ku gubnay xaafadda ayaanu isku soo saarnay, xoghayaha dawladda hoose ayaa aniga i xidhay, waar haddii aad isleedihiin idinku caruurihiinii Amerika ayaad gayseen ilaahii aniga ii keenay wuu jiraa waanu joogaa, cawad san baanan waydiisanaya”

Comments

comments

SHARE