Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta warbaahinta kula hadley xafiiskaa waxaa uu sheegay in inta xanuunka shuban biyoodku uu ka jiro magaalada Burco iyo dalkaba aan doorasho la gali karin.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu alleh ka baryey in xanuunkaas shuban biyoodka ah dadkiisa ka caafiyo isla markaana aanu sii faafin

” Doorashadii ma dhawa, inta ka horeysa ayeynu alleh ka baryeynaa in uu naga qaado , hadii aanu kicin xanuunkaasina waxba inaga hadhi maayaan iyada oo uu xanuunkaasi jirana doorasho gali meyno” Ayuu yidhi gudoomiyaha guurtidu

Comments

comments