Somaliland: Oo Lacag Dollar Ah Dhex Gaysay Suuqa Sariflayaasha Hargeysa Iyo Qiimaha Dollarka Oo Maalmihii Ugu Dambeeyey Si Qunyar Ah Hoos Ugu Dhacay

319

Xukuumadda Somaliland ayaa sidii ay balantu ahayd waxa ay labadii Cisho ee ugu dambeeyay Gaadhi sida lacag dollar ah dhex gaysay Xarunta Suuqa Sariflayaasha Hargeysa halkaasi oo ay Ka bilawday Gadista Lacagta dollarka ah,waxaana lacagtaasi laga iibinayay oo qudha Ganacsatada Sarifka ka shaqeeya ee Ruqsada gaarka ah u haysta Shaqada Sarifka lacagta Qalaad.
Lacagtan Dollarka ah ee Gaadiidka saarnayd oo si toos ah uga soo baxday banka Somaliland gaar ahaan laanta Ganacsiga ee dhinaca bariga ugu xigta dhismayaasha Baanka,ayaa waxa lacagtaasi dollarka ah iibkeeda lagu bilaabay boqolkii dollar lacag gaadhaysa 905,000,(Sagaal boqol iyo shan kun) oo shilinka Somaliland ah,Qiimahaasi oo waxyar hoos uga soo waabsan halkii uu Qiimaha dollarku markii hore suuqa ka marayay,arintaasi oo farxad iyo niyad galisay Dadka shacabka ah,gaar ahaan Ganacsatada kuwaasi oo Dollarka Alaababaha Dibada ay ka soo iibsanayaan ku soo waarida,waxa uu sidoo kale dhaq dhaqaaqan iyo Lacagtan Dollarka ah ee Xukuumaddu suuqa soo galisay dar dar galiyay ama uu soo nooleeyay kala iibsigii iyo xarakaadkii Suuqa ee maalmihii u dambeeyay hakadka galay kadib markii uu Dollar cirka isku shareeray,islamarkaana qof walba uu halkiisa ku jahawareeray.
Shalay oo ahayd maalin labaadii ay Xukuumaddu suuqa gayso Gaadhi xambaarsan lacag Dollar ah ayaa wax aroortii hore qiimaha Sarifka Dollarku uu dib ugu soo noqday suuqyada Hargeysa qiime ka hooseeya Sagaal boqol oo Somaliland Shiling ah,halka Lacagtii Banka ee Gaadhiga saarnayd lafteeda ay Xukuumaddu kaga Gadaysay Shalay Sariflayaasha Boqolka Dollar lacag gaadhaysa Sagaal Boqol oo Kun Oo Somaliland Shiling ah,taasi oo mar kale naruuro galisay dadka Shacabka ah iyo cid kasta oo uu si gaar ah u taabtay Dollar qaaliyawgu. Waxa markii dambe gaadhigii lacagta Dollarka ah siday abaaro Tobankii Aroornimo dib loogu soo celiyay Banka dhex halkaasi oo sariflayaasha loogu yaboohay inay Yimaadaan oo ay Lacagta ka badeshaan waxaana la arkayay Saacadihii dambe ee shalay Sariflayaal koox koox u socda oo laanta Ganacsiga Banka Somaliland raabo raabo u galayay oo iibsanayay lacag Dollar ah oo Gaadhi gaar ah oo dusha ka dadan saarnayd.
Sikasta hanoqotee,Waxay Wararku sheegayaan in Lacagta Dollar ah ay Xukuumaddu ka soo amaahatay Qaar ka mid ah shirkadaha waa weyn ee Dalka islamarkaana ay si qunyar u qorshaysay inay Dollarka inta karaankeeda ah dib ugu celiso Qiime hoose oo macquul ah,iyadoo maalinba hoos uga degaysa halkii uu shalay taagnayd,Waxa maanta la filayaa inay Qiimaha Sarifka Boqolk Dollar ku iibiso qiime ka hooseeya Sagaalkii boqol ee Kun ee ay Shalay ku iibinaysay,iyadoo hoos uga degaysa Faraq aan ka badnayd Shankun oo Shilinka Somaliland ah,taasi oo wax ka badeli doonta dhaq dhaqaaqa sarifka Suuqyada Somaliland iyo dollarkii sare u sii kacayay.
Dadka Shacabka ah ee Reer Somaliland ayaa Isha Kuhaya Halka Uu Ku Dambayn Doono Qorshahan Cusub Ee Ay Xukuumaddu Kula Dagaalamayso Dollar Qaaliyawga Iyo Sixir Bararka Bulshada Ragaadiyay ee Wal walka wayn ku haya ee waliba ku soo beegmay wakhti Bil Barakaysan lagu jiro oo qof waliba uu ka soo fadhiistay Shaqadii uu hayay.

Comments

comments