Somaliland: Cali Khaliif Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabay + Soo Dhaweyntii Faysal Cali Nuxurka Kulan Ay Wada Qatan + Sawiro

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Prof Cali Khaliif Galeydh ayaa saaka dib ugu soo laabtey magaalada Hargeysa ka dib markii uu dhawaan ka dhoofay isaga oo ku sii jeeda magaalada Nairobe ee dalka Kenya .

Cali Khaliif ayaa waxaa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey masuulyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo wasiirul dawlaha wasaarada waxbarashada .

Waxaa la filayaa in maalmo kooban uu Cali Khaliif Hargeysa ku sugnaan doono isla markaana uu u bixi doono deeganadii uu madaxweynaha ka ahaa ee Buuhoodle

Comments

comments