Waxaa iminka lagu dhawaaqey in xaalad deg deg ah la galiyey gobalka Togdheer isla markaana waxaa fasax la galiyey iskuulada , malcaamadaha iyo goobaha ay dadku isku yimadaan.

Xaaladan deg deg ah ayaa waxaa iminka ku dhawaaqey 21 xildhibaan ee golaha deeganka magaalada Burco oo shir deg deg ah isku yimid , waxaana ujeedka arintan loo sameynayaa ay tahay sidii wax looga qaban lahaa fiditaanka cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay magaalada Burco

Sidoo kale wararka ayaa sheegay in shuban biyoodka ka dilaacay magaalada Burco uu sii fidaayo isla markaana dad kale uu ku laayey magaalada Burco 24 sacadood ee soo socda

Iisha Ku Hay Shabakadda Wargane Burco

Comments

comments

SHARE