Somaliland: Yaab Beesha Biciido (Habar-jeclo) Oo Ku Dhawaaqday Shir Ka Dhan Ah Siyaasadda Wasiirka Madaxtooyada Iyo Maxamuud Xaashi Oo Ku Baaqay In La Qaadaco

Wasiirka Madaxtooyada Ayaa Ka Cabsi Qaba In Haddii Beeshu Isku Timaado Ay Doorato Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo Taageero Ka Haysta Deegaanka

Beesha Biciido oo kamid ah Beelaha waaweyn ee Habarjeclo ayaa iclaamisay shir ay sheegtay inay aayaheeda kaga tashanayso, waxaana sidaas ku dhawaaqay xubno tiro badan oo isugu jira salaadiin iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda beesha oo Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa ku qabtay shir Jaraa’id.

Shirkan oo ay salaadiintu sheegeen inaanu ahayn mid siyaasadeed ayaa ay sheegeen in dhamaan deegaanada ay beeshu degto ee gobolada Sanaag iyo Saraar, waxaanay sheegeen inaanay cidinka ka dambayn shirkooda.

Hase yeeshee ilo wareedyo aad loogu kalsoonyahay oo shirkan ka qaybgalay ayaa wargayska Somalilandtoday u xaqiijiyey in ujeedada shirku ay tahay sidii ay beeshu dhinaca isaga saari lahayd siyaasadda Maxamuud Xaashi oo ay in badani u arkaan inuu ku fadhiyo kursi ay beesha Biciide xaq u lahayd.

Geesta kale wararka ayaa intaas ku daray inuu Wasiir Maxamuud Xaashi oo shaki iyo baqdin weyn ka muujiyay shirka beesha Biciide iyo wakhtiga uu ku soo beegmay uu codsaday in dib loogu dhigo sida uu warar xogogaal ah uu ku helay Wargayska Somalilandtoday, waxaana ay tahay cabsida ugu wayn ee wasiirka haysaa inay beeshu soo doorato siyaasi ku metela saaxadda KULMIYE, waxaana uu Maxamuud Xaashi ka shakisan yahay in wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale, balse markii ay xubnihii qabanqaabada ahaa dheg u dhigi waayeen hadalkiisa waxa soo abaabulay xubno ka soo jeeda isla beesha Biciide kuwaasoo uu u sheegay inay qaadaacan shirka ay salaadiintu ku dhawaaqeen, waxaana la filayaa inay maalmaha soo socda warbaahinta la hadlaan.

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ku mashquul sanaa Uruurinta Xulufo uu ugu yeedhay Muuse Abokoraynta, taas oo uu dhaqaale iyo dhiilaabidba u adeegsaday sidii uu meel isugu keeni laha shakhsiyaadka beesha Muuse Abokor ee ku kala jira Xisbiyada Qaranka, gaar ahaan gulufka xod-xodashada Maxamuud Xaashi ee Muuse Abokorayntu ay siweyn ugu xooganayd Xisbiga WADDANI.

Xubnaha uu Maxamuud Xaashi Cabdi u muxadareeyay ee mawqifkiisa Muuse Abokoraynta ku godladay waxa laga xusi kara, Maxamuud Raage Ibraahim, Axmed Cilmi Yare, Marwo Hinda Gaane , Cabdirisaaq Ayaanle iyo xubno kale oo dhammaantood ka tirsanaa Xisbiga WADDANI.

Balse qorshahaas Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi uu ugu olalaynaayay sidii uu cudud miisan oo ka caawisa hanadashada wareejinta Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa dhabarjab ku keenay shirikan beesha Biciide goonida ugu dhawaqeen oo la fahansan yahay inuu fikirsiisu ka unkamay aqoonyahanka beesha Biciide ee debadaha ku dhaqan taas oo saamayna ku yeelatay gudaha .

Hadal haynta shirka beesha Biciido ayaa ku soo beegmay xili aanu dhinacna u dhicin loo lakiin cidda lagu wareejinaayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi dabadii, kaas oo Maxamuud Xaashi olole weyn ugu jiray isagoo udub dhexaad uga dhigay doonistiisa odhaah odhanaysa “Beesha Muuse Abokor ayaa doorkan xaq u leh jagadaas”.

Si kastaba ha ahaate waxa la dhawrayaa dhinbiilaha ka dhasha doonitaanada kala durugsan ee siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE ku wada jira oo salka ku haya beelo hoose.

Comments

comments