Sidee Looga Hortagi Karaa Madax Xanuunka Inta Aad Soomantahay ?

Wax jira dad badan oo had iyo jeer ka cawda madax xanuun inta ay sooman yihiin gaar ahaan marka ay ku sugan yihiin goobaha shaqada amase marka ay dareemaan Kulaylka cadceeda.

Haddaba, qofka noocaasi oo kale ahi ma cuni karo wax kiniin ah sababta oo ah waa uu sooman yahay, balse waxa habboon in aad tallaabooyinkan hoos ku xusan aad raacdid si aad iskaga caabin karto madax xanuunka inta aad sooman tahay :

  1. Ka dheeraw goobaha buuqa badan.
  2. Ku dedaal in aad indhaha isku yar qabato adiga oo aan seexanayn si maduxu kuu dego.
  3. Ka dheeraw Isticmaalka Koombiyuutarka iyo wixii la hal maala.
  4. Isku day in aad Maydhato oo aad jidhkaaga qaboojiso.
  5. Isku day in aad madaxaaga duubto.

Dhammaan arrimahaasi waxay kaa caawinayaan Maxdax xanuunka ku soo waajaha inta aad sooman tahay

Comments

comments

SHARE