Petr Cech oo ku guuleystay Golden Ball

168

Goolhaye Petr Cech ayaa ku guuleystay Czech Republic Golden Bal  laacibka sanadka dalka Czech ee kal ciyaareedka 2016-17.

Waa markii 11 aad waayihiisa ciyaareed uu goolhayaha Arsenal ku guuleysto abaal marinta isagoo ka caawiyay Gunners inay ku dhammeysato kaalinta 5 aad ee Premier League sidoo kalena kula guuleystay FA Cup.

Tan iyo sanadii 2005  ma jiraan wax tartan adag kula galay Cech abaal marintan Golden Ball ee laga bixiyo dalkiisa, 11 jeer ayuu ku guuleystay 13 kii sano ee la soo dhaafay, kaliya rugcadaagii Juventus Pavel Nedved iyo weeraryahanka Sparta Prague David Lafata ayaa sidoo kale ku guuleystay abaal marintan muddaasi 13-ka sano.

Comments

comments

SOURCEGoolFm
SHARE