Dawladda Tunisia Oo Amartay In Maqaaxiyaha Cuntada La Xidho Bisha Ramadaan Iyo Dadweynaha Oo Ka Gadooday !

Cafe of mats (caf?? des nattes) in the Sidi Bou Sa??d's traditional village in the north suburb of Tunis (Photo by Nicolas Fauqu??/Corbis via Getty Images)

Go’aanka ka soo baxay wasaaradxa arrimaha gudaha Dalka Tunisia ayaa khilaaf aad u ballaadhan uu ka dhex dhaliyay bulshada ku nool Dalkaasi, go’aankan o ah in aan goobaha wax lagu cuno aan la furi Karin inta ay dadku soomanyihiin.

Dad badan oo ku nool dalkaasi ayaa go’aankan ka soo hor jeestay waxaanay xukuumada ka codsadeen in ay go’aankaasi ka noqoto, taasoo muujinaysa in aan hore loo xidhi jirin goobaha waxa laga cuno bisha ramadaan gaar ahaan maalintii.

Sidoo kale arrintan ayaa waxa ka hadlay Hay’ado u dooda Xuquuqda oo ka hawl gala gudaha Dalkaasi oo xukuumada ku guubaabiyay inay go’aankeeda wax ka badasho.

Comments

comments

SHARE