War Deg Deg Ah: Diyaarad Iminka Ku Bur Burtey Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Moqdisho Iyo Cida Leh + Sababta

Wararka naga soo gaadhay magaalada Moqdisho waxaa ay sheegayan in Diyaarad ay leedahay shirkadda Bancroft ee qaabilsan la talinta howlaha amniga iyo tababarka ciidamada AMISOM ayaa goor dhow ku bur burtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waxaa la sheegay in diyaaradani ay muddo saacado ah ku dul wareeganeysay garoonka diyaaradaha, iyadoo ay lugaha u bixi waayeen.

Sidoo kale Ilo ku dhow dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa Ilaysnews.com u sheegay in diyaaradan ay saarnaayeen saraakiil ajnabi isla markaana ay diyaaradani ku bur burtey dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha.

Dhinca kale waxaa gebi ahaanba la hakiyay howlihii duulimaad ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo diyaarado saaka duuli lahaa la joojiyay.

Baabuurta dab damiska ee yaalla garoonka diyaaradaha ayaa ku baxay diyaaradan oo ku dhex bur burtay wadada Run-wayga ee garoonka

Shirkadda Bancroft ayaa ah shirkad amni oo ciidamada amisom ka taageerta dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, waxaana ay xarun ku leedahay Xalane ee magaalada Moqdisho

Comments

comments

SHARE