Waxaa mar kale cirka isku shareeray murankii dhinaca Hawda ah ee u dhaxeyey Somaliland Iyo Somaliya , waxaana wasiirka duulistu uu sheegay in aaney marna Somaliland aqbali doonin in hawdeeda lagu wareejiyo dalka Somaliya

Dhinca kale wasiirka duulista ayaa waxaa uu Hawda u mariyey maamulka Moqdisho hadalo kulul oo hanjabaad u muuqda isla markaana waxaa uu cadeeyey hadii qaramada Midoobey ay Somaliya ku weeriso maamulka hawda dalkii laysku odhan jiray Somaliya ay Somaliland qaadi doonto taloobin kakan oo aan farxad galin labada dhinacba

Dhinca wasiirka ayaa waxaa uu tilmaamay in Somaliland ay awood u leedahay in ay hawadeeda ay iskeed u maamulato

 

Comments

comments