Sirdoonka Ingiriiska Oo Baadhaya Digniintii Qaraxii Magaalada Manchester

Armed police patron the streets near to the Manchester Arena in central Manchester, England Tuesday May 23 2017. Police confirmed that 19 people were killed in an explosion following a Ariana Grande concert at the venue late Monday evening. (AP Photo/Rui Vieira)

Hay’adda sirdoonka ee Britain ee MI5 ayaa samaynaysa baadhitaan la xidhiidha sidda ay ku dhacday in ay tallaabo ka qaadi wayday digniino uga yimid dad weynaha oo tilmaamayey in uu halis ahaa Salman Abedi oo ah ninkii isku qarxiyay Manchester.

Saraakiisha MI5 ayaa qiray in laamaha ammaanka ay haatan dib u eegayaan go’aamadii laga qaatay wiilka 22 jirka ahaa ka hor inta aanu fulin weerarkii Isniintii hore dhacay oo ay ku dhinteen 22 ruux.

Waxaa dib laga ogaaday in hay’adaha ammaanka ugu yaraan saddex jeer lagu wargeliyey in wiilkaasi uu aaminsanaa fikrado xagjir ah.

Aroornimadii hore ee saaka oo Isniin ah ayay booliska degaanka West Sussex xireen nin 23 jir ah oo ay uga shakiyeen falal argigixiso.

Booliska Manchester ayaa sidoo kale sheegay in ay bixiyeen amar lagu soo baarayo guryo ku yaala degaanka Whalley Range oo ka tirsan Manchester.

Afar iyo toban nin ayaa ilaa iyo hadda su’aalo la waydiinayaa kuwaas oo lala xiriirinayo weerarkii dhacay Isniintii hore ee ay ku dhinteen toddobada carruur ah ee ka mid ahaa 22kii ruux ee dhintay.

Comments

comments

SHARE