Cadaado: Axmed Ducaale Xaaf oo Loo Caleema Saarey Madaxweynaha Galmudug

Maantey oo Isniin ah waxaa ka dhacay magaalada Cadaado ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Galmudug xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo lagu caleema saarey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf).

Xafladda caleema-saarka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Siciid (Juxaa), Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh. Adam, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hir Shabelle Cali Guudlaawe.

Dhanka Beesha Caalamka waxaa ka soo qaybgalay, ergayga Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsan Michael Keating, Safiirka dalka Itoobiya, Safiirka dalka Jabuuti iyo marti sharaf kale.

Xafladda waxaa khudbado ka soo jeediyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada iyo marti sharaftii ka socotey beesha caalamka.

Khudbadaha ayaa u badnaa, sidii hoggaamiyaha cusub ee Galmudug uu nabadda uga shaqeyn lahaa, wada hadal degdeg ahna ula furi lahaa maamulka Ahlu-sunnah ee ka taliya in badan oo kamid ah Galguduud, nabadna ay ugala noolaan lahaayeen deriskooda.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa isagu si gaar ah khudbadiisi ugu soo qaatey colaadii ka dhacdey Gaalkacyo oo uu dalbadey inaysan soo laaban, waxaana uu Xaaf ka codsadey in uu wax ka qabto dagaal beeledyada ayaamahan ka dhacaayey qaybo kamid ah Bariga Mudug, iyo sidii loo furi lahaa waddooyinkii ku xirmey dagaalkii Gaalkacyo.

Xafladda oo ku soo beegantey maalin Ramadaan ah ayaa dib loogu balamey Anfurka ka dib iyo in Cadaado caawa laga wada anfuro, halkaasna ay ka socoto qaybta labaad ee Xafladda iyo khdubaddii uu soo jeedin lahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Xaaf.

Amaanka ayaa si weyn looa dkeeyey ma jiraan gawaari magaalada ka bixi karta ama soo geli karta muddada ay socoto caleema saarku.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa xilka loo doortey 3 May 2017, kadib markii uu is casiley Madaxweynihii hore Cabdikariim Xuseen Guuleed, Mr Guuleed ayaan isagu helin soo dhaweynta Xaaf helay marka la is barbardhigo caleema saarkiisi

Comments

comments

SHARE