War Deg Deg Ah: Ciidamada Booliska Hargeysa Oo Xabsiga Ku Gurey Qaar Kamid Ah Qoyska Reer Sheekh Madar Iyo Halka Uu Salka Ku Hayo xadhigoodu.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga ku gurey qaar kamid ah eheladda qoyska reer Sheekh madar,iyaga oo ciidamada Booliskuna ay xabsiga u taxaabeen sida ay wararku sheegayaan Sheikh Mohamed Sheikh ibraahin Sheikh Madar oo ah shekhul baladka Hargeysa iyo walaaalkiis.

Waxaana labadan sheikh ay ciidamadu kasoo qabteen gurigooda,waxaana lagu xidhay saldhiga Ibraahin Koodbuur ee magaalada Hargeysa.

Xadhiga Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahin Sheekh Madar iyo walaalkii ayaa waxa uu ka danbeeyaa kadib markii ay xukuumaddu gaadhsiiyey waraaq amar ah oo ay ku amrayso inay ka guuraan guriga ay dagan yihiin oo uu madaxwaynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal uu siiyey alla haw naxariistee gudoomiyihii hore ee Golaha Guurtida Somaliland Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.

Gabagabadiina maalmihii u danbeeyey ayaa xukuumadda Somaliland waxay bilowday amaro ay guryihii dawlada ee ay bixiyeen madaxwaynayaashii ka horeeyey madaxwayne Siilaanyo ay kaga saarayso qoysaska la siiyey,waxaana qoyskan ilma Sheekh Madar uu noqonayaa qoyskii labaad ee ay xukuumaddu amarto inay ka baxaan guriga.

Comments

comments

SHARE