Somaliland: Xasan Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar Oo Sheegay Inaanay Xukuumaddu Ku Haysan Wax Guri Ah Arrinka Gurigaasina Yahay Muran Dhaxal Oo Khuseeya Qoyskooda

Tireless campaigners in the fight against FGM in Somaliland
There is support for the work of anti-FGM campaigners in the capital Hargeisa

Xasan Sheekh Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar ayaa sheegay in arrinka ku saabsan guriga qoyska reer sheekh Ibraahim ee warbaahinta ku soo baxay gaarahaan wargeyska Foore aanau cidina ku haysan dhinaca xukuumadduna shaqo iyo shuqul toona ku lahayn ee uu yahay arrin dhaxal ah oo gurigaasi khuseeya oo u dhaxeeya reer Sheekh Ibraahim.
Xasan Sheekh Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar oo khadka taleefanka kula soo xidhiidhay Wargeyska Foore isaga oo ku sugan waddanka Qatar ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay in arrin qoys ahaan iyaga ka dhaxeeyay ay xubno qoyska ka mid ahi warbaahinta ugu sheegeen in ay xukuumaddu gurigaasi ku haysato kuwaasi oo qaarkood xabsiga ku jiraan isaga oo sheegay in uu arrinkaasi saxayo ee aanay waxba uga jirin sida xubno qoyska ka mid ahi u badaleen arrinka gurigaasi ku saabsan.
Xasan Sheekh Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar oo arrinkaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxaan doonayaa in aan halkan kaga hadlo war ku soo baxay wargeyska Foore saaka oo Isniin ah habeen horena ku soo baxay qaar ka mid ah shabakadaha wararka. Arrinkaasi sida loo sheegay sax uma aha. Horena warbaahintii baahisay waanu ugu caddaynay waxaannu arrinkui yahay in ninka la yidhaa Cabdilaahi Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar oo aannu walaalo nahay sidaa qaldan u dhigay. Arrinka gurigaasi maxkamad ayuu ku jiraa. Waxa aad la xidhiidhi kartaan Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa. Ninkaasi sida uu u dhigay in gurigaasi xukuumaddu ku haysato ma aha ee waa muran dhaxal oo gurigaasi ku saabsan. Waxaan ka xumahay in cid aan shuqul ku lahayn lala doonto waxa xaqiiqadu tahay ee gurigan ku saabsan. Suldaanka ka hadlay arrinkan waan la xidhiidhnay waxanan u sheegnay in arrinka wax laga waydiiyey ahaa mid si kale loo dhigay waanu ka garaabay. Sida arrinkaa loo dhigay cid kasta oo uu saamayn ku yeeshay waan ka raalli galinaynaa sidaasi ayaanu ku cad yahay wax kast aoo ku saabsan gurigaasi” ayuu yidhi Xasan Sheekh Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar.

Comments

comments

SHARE