Roma iyo Liverpool oo ku loolamaya saxiixa Rafinha

19

Laacibka kooxda Barcelona ee Rafinha ayaa looga gacan haatinayaa horyaalada talyaaniga iyo ingiriiska sida ay baahisay shabakada Fichajes.

Kooxaha Liverpool iyo Roma ayaa si wayn u doonaya 24 jirka reer Brazil kaas oo intabadan aan boos joogto ah ka haysan kooxdiisa Barcelona.

Shabakada Fichajes ayaa daaha ka qaaday in kooxaha Roma iyo Liverpool ay isku diyaarinayaan inay dalab fiican u diraan Barcelona si ay u helaan Rafinha.

Waxaa la saadaalinayaa in fursada Rafinha ee Barcelona ay yaraan doonto kadib markii uu kooxda katagay tababare Enrique oo aad u taageersanaa laacibka reer Brazil.

Waxaana loo badinayaa in laacibku uu isaga dhaqaaqi doono Camp Nou suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Comments

comments