Dalka Saacadaha Ugu Dheer Laga Soomayo Iyo Kan Ugu Gaaban Qaaradaha Adduunka, Halkeese Somaliland Kaga Jirtaa Saacadaha Soon Ee Shucuubta Carabeed Soomayaan

Sabtidii Dorraad waxa si rasmi ah u bilaabantay Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay sannad walba dadka Muslimiinta ahi soomaan ahna Bil Barakaysan oo Ilaahay SWT ku tilmaamay raxmad, dambi-dhaaf iyo in naarta lagaga xoreeyo dad badan. Iyada oo haddaba dadka Islaamka ahi ku guda jiraan gudashada Soomka Bishan Barakaysan ee Ramadaan waxa in badan hadal haynta ugu badani ku saabsan tahay saacadaha adduunka laga soomayo ee aadka u kala duwan iyada oo deegaamo badan lag soomayo saacado aad u dhaadheer halka kuwo kale ay dhexdhexaad yihiin kuwo kalena saacado kooban soommaan yihiin.
Shabakadda caalamiga ah ee Skynews oo aannu maqaalkan ka soo turjunnay ayaa waxa ay baahisay deegaamada mudada ugu dheer laga soomman yahay Bishan Barakaysan ee Ramadaan iyo kuwa saacadaha ugu yar laga soomman yahay iyada oo dalka Finland noqday dalka muslimiinta ku nooli ka noqdeen kuwa saacadaha ugu dhaadheer ka soomman iyada oo deegaanka Labland ee dalkaasi Finland muslimiinta joogtaa ka soomayaan in 23 Saacadood iyo shan daqiiqo waana dadka saacadaha ugu badan soomaya halka Muslimiinta ku nool deegaanka Oshaya ee dalka Argentine ay ka soomayaan saacadaha ugu kooban oo ah in ay soomayaan 8 saacadood oo kali ah. Tirada saacadahani waa tirsiga saacadda Makka Al Mukaramma ee ay Muslimiintu inta badan raacaan waxaana laga qiyaas qaadanayaa 24-ka saac ee Tawqiitka Makka.
Haddii aan eegno dhinaca dalalka Carbeed saacadaha ugu badan iyo kuwa ugu hooseeya waxa laga soomayaa tiro aan aad u kala dheerayn ama u kala durugsanayn iyada oo waddanka Carbeed ee Aljeeriya noqday kan saacadaha ugu badan laga soomayo dalalka Carbeed iyada oo dadkiisu soomayaan 17 saacadood oo rubuc dhiman halka waddanka Jasaa’irka Komooros uu ka noqday kan ugu kooban isaga oo soomaya 13 saacadood oo rubuc dhiman.
Dalkeena haddii aan soo qaadano Somaliland waxa laga soomayaa 13 saacadood iyo badh waana la mid ah dalalka Jabuuti Soomaaliya iyo Muslimiinta Itoobiya.
Liiska dalalka carbeed iyo saacadaha ay soomayaan:
Tuuniisiya – 16 saacadood
Liibiya – 16 saacadood
Morocco – 16 saacadood
Lubnaan – 16 Saacadood
Suuriya – 16 Saacadood
Ciraaq – 16 Saacadood
Urdun – 15 saacadood
Falastiin – 15 Saacadood
Masar – 16 Saacadood
Kuwayt – 15 Saacadood
Baxrayn – 15 Saacadood
Qadar – 15 Saacadood
Sucuudiga – 15 Saacadood
Cummaan – 15 Saacadood
Muritaaniya – 14 Saacadood
Suudaan 14 iyo Badh Saacadood
Yemen – 14 Saacadood
Jabuuti – 14 Saacadood
Soomaaliya – 13:29 Saacadood
Somaliland – 13 iyo Badh Saacadood
Dalalka saacadaha ugu dhaadheer ama ugu gaagaaban soomayaa waa kuwa ku nool juquraafi ahaan dalalka dhaca dhicifyada adduunka iyada oo Muslimiinta ku kala nool dalalka Iceland iyo Greenland ay soomayaan in ka badan 21 saacadood halka Muslimiinta ku nool dalka Norway ka soomayaan 19 saacadood kuwa Ingiriisku ka soomayaan 18 saacadood iyo kuwa Kanada oo iyana ka soomaya 17 saacadood. Sydney oo Australia ku taalla saacadaha muslimiintu ka soomayaan waa 11 saacadood oo kali ah.
Waxaan ka soo turjunnay SN.

Comments

comments

SHARE