Barcelona oo saacadaha soo socda magacaabaneysa tababare cusub….(Waa kee?)

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in kooxda Barcelona ay magacaabato tababare cusub kaddib markii uu kooxda ka tagay Luis Enrique.

Enrique ayaa ku guuleystay sagaal koob oo ugu dambeeyay Copa del Rey muddo saddex sano ah uu hayay xilka tababarnimo ee kooxda ku ciyaarta Camp Nou.

Tababaraha Athletic Bilbao Ernesto Valverde horeyna ugu soo ciyaaray Barcelona sanadihii 1998 ilaa 2000 ayaa lagu wadaa in loo magacaabo xilka macallinimo ee Barcelona.

Shir jaraa’id ay saacadaha soo socda qaban doonto kooxda reer Catalonia ayaa lagu wadaa in lagu macaabo macallinkooda cusub ee Ernesto Valverde.

Comments

comments

SHARE