Sidee Ayeynu U Soo Dhawaynaa Bisha Ramadaan ?

Ilaahay waxa uu ku yidhi Aayada185 ee suurada Al-baqara ee  Macnaheedu ahaa “Bisha Ramadaan waa bishii Qur’aanku soo degay, kaasi oo hannuun u ah Dadka”, soonka bisha Ramadaan waxa uu ka mid yahay Arkaanta Islaamka ee shanta ah, fadliga bishani waa mid aad u badan waana Nimco uu Ilaahay ku mannaystay Addoomihiisa, Xadiiskii uu abuu Hurayra soo wariyay ayaa waxa uu yidhi waxa Nabigu NNKH yidhi “Shanta salaadood, iyo jimce ilaa jimcihiisa kale, iyo ramadaan ilaa ramadaanteeda kale waxay dambi dhaaf u yihiin wixii u dhexeeyay haddii laga dheeraado Kabaa’irta”. waxaynu xadiiskaasi ka faa’iidaynaa inuu qofku ku dedaalo shanta Salaadood isla markaana ku dedaalo inuu salaada si toos ah u tukado inta u dhexaysa labada jimce iyo sidoo kale in uu qofku si wanaagsan u cibaadaysto inta labada ramadaan u dhexayso, haddii qofkaasi wax dambi ah oo wayn oo ka mid ah Dunnuubta loo yaqaano Kabaa’irta uu ka dheeraado uu Ilaahay intaasi ugu dambi dhaafayo.

Haddaba, waxa habboon in aynu bishan barakaysan kusoo dhawayno Cibaado iyo Dikri fara badan iyo qur’aan Akhris iyo Qiyaam iyo salaada oo aynu ku dedaalno oo aynaan labada maalmood ee u horreeya oo kaliya aynaan jiboon, balse aynu sidaasi ku wadno si aynu u helno barakada ay bishani leedahay.

Comments

comments

SHARE