Facebook oo shaqaaleysiinaya 3 000 oo qof si loo joojiyo muuqaalada denbiyada wata

Shirkadda Facebook ee isku xirka bulshada ayaa ku dhawaaqdey in ay shaqaaleysiineyso 3 000 oo shaqadoodu noqon doonto joojinta muuqaalada denbiyada xanbaarsan oo ay kamid tahay dilalka sida tooska ah looga baahiyo Facebook, sidaas waxaa ku dhawaaqey asaasaha shirkadda Mark Zuckerberg maalintii Arbacada.

Shirkadda ayaa hadda iska leh 4 500 oo qof oo qabta isla shaqooyinka joojinta muuqaalada ka hor imaanaya sharciga shirkadda.

Facebook ayaa dooneysa in ay ka hortagto ama aan la faafin muuqaalada muujinaya sida qof naftiisa dilaya ama qof kale dilaya taas oo marar badan ka dhacdey barta Facebook.

Dhawaan waxaa lagu canbaareeyey Facebook nin diley gabadh yar oo aan sanad gaarin oo uu dhalay taas oo si toos ah looga daawadey barta Facebook, waxaana muuqaalkaas daawatey 370 000 oo qof ka hor inta aan Facebook tirtirin muuqaalkaas. Shirkadda YouTube ayaa lagu amaaney in ay awoodo in ay deg-deg u saari karto muuqaalada caynkaas oo kale ah.

Dalka Sweden ayaa dhawaan maxkamad soo taagey dhalinyaro muuqaal toos ah ka sii daayey Facebook iyaga oo haweeney kufsanaya, waxaana lagu xukumey laba sano oo xarig ah. Sidaas si lamid ah ayaa dalka Maraykanka magaalada Chicago maxkamad la soo taagey qof denbi si toos ah uga baahiyey facebook.

Comments

comments

SHARE