Somaliland: Yaab Siyaasi Xusseen Axmed Caydiid Oo U Hadlay Sii Aanu Wali Siyaasi Kale U Hadal Oo Warbaahinta,,,

291

Nuxurka Su’aalaha Uu Ka Cadhooday Oo La Xidhiidha Sababta Uu Dhaliilaha Maanta u Sheegi Waayey Waqtigii Uu Xukuumadda Ka Tirsanaa

Wasiirkii hore ee wasaaradda caddaaladda iyo Garsoorka, haatanna kamid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga WADDANI, ayaa si weyn uga gubtay su’aalo la xidhiidha sida ay isu qabanayaan eedaha uu waqtigan u jeediyo xukuumaddii uu katirsanaan jirey iyo sidii indho la’aanta ahayd ee uu u difaaci jirey markii uu xukuumadda ka tirsanaa.

Siyaasi Xuseen oo shalay xukuumadda ku hurgufay eedo iyo dhaliilo culus, ayaa markii uu hadalkiisa dhammaystay waxa ay wariyayaashii kulankaas ku sugnaa isku dayeen inay su’aalo ka weydiiyaan dhaliilihiisa, balse waxa uu kaga fal celiyey cadho iyo hanjabaad uu warbaahinta ku qaabilay, waxana uu si indho adayg ah ugu adkaystay dhaliilaha uu xukuumadda huwiyey.

Ex. Wasiir Xuseen waxa Weriye Khadar Macallin oo su’aalo weydiiyey bal waxa uu caddaymo u hayo eedihiisa iyo weliba sida uu iskaga difaacayo dhaliilaha xukuumadda ka yimaadda ee nidaamka WADDANI loo jeediyo, waxana isaga oo afka ka xunbaynaya oo aad u cadhaysan uu su’aashaas kaga jawaabay sidatan,“Dawladda iska daa, dawladda looma wada jawaabo oo u wada jawaabi maayee miyaad aniga igu haysaa waxaan soo maray.”

Weriyuhu waxa uu sii watay su’aalaha uu siyaasigan weydiinayo, waxana uu weydiiyey su’aal kale oo uu siyaasigan cadho weyn ka muujiyey, taas oo u dhacaysay sidatan,

Xuseen dhaliilaha aad haatan jeedinaysaa miyaanay waxanu kuu muuqanin markii aad dawladda ku jirtey?

Jawaabta uu Xuseen Axmed Caydiid ka bixiyey, ayaa sidan u dhacday,“Iska daayoo haddii ay ii muuqatay iyo haddii aanay ii muuqanba meel aanu ku wada hadalno oo guri hoostiis ah baanu lahayn, go’aanka kasoo baxaana mid nin waliba u hoggaansamayo ayuu ahaaye ka bax.”

Xuseen Axmed Caydiid oo kamid ahaa masuuliyiintii ugu difaaca adkayd ee sida weyn ugu dedaali jirey inuu jawaab degdeg ah siiyo siyaasi kasta oo isku daya inuu xukuumadda wax ka sheego, balse weli waxa ay shacabku is-weydiinayaan sida uu markale weerarka afka ugu soo qaadayo xukuumaddii uu muddada dheer difaaci jirey.

Comments

comments