Somaliland: Toban Qof Oo 24-kii Sacadood Ee U Danbeyey Ku Dhintay Degmada Burco.

498

Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxaa afar iyo laabatankii sacadood u u danbeeyey u geeriyooday Xanuunka Shuban biyoodka toban qof .

Badhisaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleeban (Ramaax) ayaa sheegay in xaaladda fidintaadka xanuunkani ay sii siyaadayso islamarkaana ay toban qof ugu geeriyooday guud ahaa deegaanada hoos yimaad gobolka togdheer

“Waxaa gobolka ka dilaacay cudurka shuban oo aad iyo aad u halis ah, maanta toban qof ayey maraysaa tiradda dhimashadu ilaa saaka salaadii ilaa imika intaa xafiiska fadhiyey ee ka dhacday degmada burco , dhimashada Illahay ayaa qoray laakiin sababteeda aynu iska ilaalino”

Badhisaab Ramaax ayaa bulshada ugu baaqay in ilaaliyan nadaafadooda islamarkaana ay iska qaadan bakhtiga xoolaha.

Comments

comments