Somaliland: Maxa Ku Cusub Nidaamka Lagu Soo Kordhiyey Qurbe-joogta Somaliland Dalka Ku Iman Jireen

Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib), ayaa ka hadlay Warar Maalmihii u dambeeyay soo kordhayey, kuwaasi oo sheegayey in wax ka beddel lagu sameeyay Nidaamkii Qurbe-joogta reer Somaliland ay Xilliga xagaaga Dalka ku imanayeen ee ay Madaarrada Dalka kaga soo degayeen.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskii Hargeysa, ayaa beeniyey Wararka sheegaya in wax ka beddel lagu sameeyay Nidaamka ay Qurbe-joogtu Dalka ku imanayaan, waxaanu sheegay in aanay haba-yaraatee jirin wax isbeddel ah oo ku yimid Nidaamkii lagu soo caano maalay 25-kii sannadood ee u dambeeyay, kaasi oo ahaa in Muwaadiniintu ay Fiiso la’aan Dalka ku soo galaan.

Taliye Dayib oo Arrimahaa faahfaahinayaana wuxuu yidhi “Maalmihii inna dhaafay waxa jira Telefoonno nagaga imanaya Qurbe-joogta, sidaad ogtihiin waxa innagu soo dhaw Xilligii Xagaaga ee Dadka Qurbe-joogta iyo Carruurtoodu ay Dalkooda Somaliland soo booqan jireen, kuna nasan jireen muddo gaaban, dibna u noqon jireen, taasina Caado ayay ahayd 25-kii sannadood ee ina dhaafay inay Dadku sidaa u yimaaddaan Dalkooda Xilliga xagaaga iyo xilli aan ahaynba.”

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu u sheegaynaa in aanay waxba iska beddelin sidii aad u iman jirteen 25-kii Sannadood ee tagay, wax fiiso ah oo lagu soo rogay oo ay kaga caddibmi karaan Dalkooda ama ay kaga maqnaan karaan haba-yaraatee aanu jirin..” ayuu ydihi, waxaanu intaa ku daray “Dadkuna bilaa Fiise ayay Dalkooda ku soo geli karaan, Nuxurka hadalkaygu waa sidaa.”

Comments

comments