Somaliland: Wasiirka Waxbarashada Oo Ku Baaqay In Dib U Habayn Lagu Sameeyo Golaha Guurtida Oo Uu Mudo Dheer Xoghaye Ka Soo Ahaa

Education Ministry Bans School Advertisements On SLNTV, Urges Information Minister To Sooner Act
Education Ministry Bans School Advertisements On SLNTV, Urges Information Minister To Sooner Act

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa weerar afka ah ku qaaday Golahii uu mudada dheer Xoghaya ka soo ahaa ee Guurtida,Waxaanu shaaca ka qaaday in Golaha Guurtidu u baahan yahay in dib u hayn lagu sameeyo,Waxa uu sheegay in Golahaasi ay ka dhinteen oo ay ka socdeen odayaashii macquulka ahaa macnaha u samaynayay Golahaasi sidaa darteed waxa uu soo jeediyay in Dawladnimada Horumarinteeda iyo Goleyaasha Qaranka la isla jaan qaadsiiyo.
Wasiir Habane ayaa hadalkan ka jeediyay Munaasibad daah fur ah oo ay qabteen Komishanka Doorashooyinka Qaranku,Waxaanu hadalka ku bilaabay sidan“Golaha Guurtida Dadka Aqoonyahanka ahi Afkaar kala duwan ayuu ka qabaa,Golahaasi waa Golaha aynu ku fadhino ee dib u habayn lagu sameeyo waa mihiim weeyaan,Halkaynu ka bilaabaynaa,Waa inaynu ka akhrisanaa Golehaasi Mudakarkiisii wuu socday,waa in Mudakar loo helaa,Dhaqanka iyo Dimuqraadiyada oo la iswaafajiyo ayaynu ku soconaa oo masocon karayno la’aantood,laakiin waxa la doonayaa Dawladnimo inay koriso,Haddii inteenii aqoonta lahayd kori waydo oo aan odaygii uun ku soo noqono oo aan maciinsano mar walba halkii ayuunbaynu taagnaanaynaa, Laakiin waa in la isla koraa weeyi”.
Lama garanayo sababta ka yeedhsiiyay hadalkan adag Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane,isagoo ahaa Xoghayihii ugu mudada dheeraa ee soo Maray Golaha Guurtida Somaliland islamarkaana uu uga soo dalacay xilkan uu hadda ku fadhiyo ee Wasiirka Waxbarashada. Wasiir Cabdilaahi Dheere ayaa Waxa hadalkiisa ka muuqata Xog ogaalnimo uu wax badan ka ogyahay Golaha Guurtida waxaana uu ka dhawaajiyay kalmado aan saaxada ku cusbayn oo ku saabsan inay Odayaashii Golehaasi lagu aasaasay badi ka dheelmadeen,islamarkaana ay kuraasta ku fadhiyaan dhalinyaro dhaxal Aabo ku yimid oo aan ku haboonayn Shaqada Golahaasi Qaranka u xil saaran yahay oo sida uu sheegay ah Gole Qaranka kaalin mugleh kaga jira.

Comments

comments