Somaliland: Hoggamiye Xirsi Oo Safar Deg Deg Ah Ugu Baxay Gobolka Saaxil + Ujeedad Socdaalkisa

Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa waxaa uu goor dhaweyd safar deg deg ah uu kaga baxay caasimada Somaliland ee Hargeysa Isago Ka Soo Galay Dhanka Iyo Gobolka Awdal Oo U Soo Kur Maray qeybinta kaadhadhka cod bixiyayaasha

Hogaamiyaha ayaa waxaa uu ku sii jeeda magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil halkaas oo ay ku sugan yahiin wafti ka tirsan xisbiga Waddani oo uu hogaaminaayo Musharax Cabdiraxmaan Ciro .

Ujeedka uu Hogaamiye Xirsi ku tagaayo magaalada Berbera ayaa waxa au yahay sidii uu uga qeyb gali lahaa qeybinta kaadhadhka cod bixiyayaasha oo saaka ka bilaabmmatey magaalada Berbera , sidoo kale hogaamiyaha ayaa ka yimid soona gabo gabeeyey safar uu ku tagay Magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal oo ay iyadana qeybinta kaadhadhka cod bixiyayaashu saaka ka bilaabmatey

Comments

comments