Somaliland: “Haddii Gacanta La Idinku Yar Xejiyo Oo La Xoqo Weerar Maahee Adkaysta Wax Yar-Baa Hadhee” Hogaamiye Xirsi Oo Farriin Siyaasadeed U Diray KULMIYE

198

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa naqdiyey hadallo uu yidhi Guddoomiyaha ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo Arbacadii si kulul u dhalliilay Xirsi oo uu ka daba socday hadallo uu wiiggii hore jeediyey.
Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo si Kaftana uga jawaabaya, una naqdiyaya dhalliilihii Muuse Biixi u jeediyey, waxaanu sheegay inay Xirsi ahaan iyo Muuse isku Maddarasad ahaayeen oo ay isku soo gaadheen Maddarasadda Madaxweyne Siilaanyo ee Siyaasadda, isla markaana uu Muuse-na 30 sano ku jiro, Xirsi ahaanna uu 10 sano ku jiray, balse uu ka qalin-jebiyey oo uu hadda Maddarasad kale Macallin ka yahay.
“Maddarasadaha waa la isku soo gaadhaa, Muuse Maddarasadda 30 sano ayuu Maddarasadda Siilaanyo ku jiray, Aniguna toban sannadood baan ku jiray. Laakiin, waan ka qalin-jebiyey oo meel kalaa la ii diray oo aan Macallin ka ahay. Odhan maayo wuu ku Saaqiday ee Qur’aankaa ku yara adkaadayoo weli wuu ku jiraa, Anigu-se Qalin-jebiyaye aan isu soo ducayno (Muusoow).” Sidaa ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi.
“Faysal iyo Cirra isku Madersid ahaa oo Maderisada Faysal baa ka sheekh ahaa Faysal Waxba odhan mayo Laakiin se Muusaanu isku Maderisad nahay Maderisadii Siilaanyo oo isagaa hore u sheegay oo yidhi waxaan ku jiraa Maderisadii Siilaanyo anigu imika waan ka qalin jabiyey meel kalaa lay diray oo aan macalin ka ahay, Maderisadaha had iyo jeeraale waa laysku soo gaadhaayo anna 10-sanaan ku jiray Muusena 30-sano odhan maayo wuu ku saaqiday ee wuu ku yara raagay oo qur’aanka ku adkaaday weli wuu ku jiraa, anigu se qalin jabiyey ee aan isu soo ducayno. Waxaan waafaqsanahay oo shalay markan joogay iyo maanta waxba aan iska kay bedelin cidda mamulka haysa halooga danbeeyo waa sax, waxaan kaloo waafaqsanahay sida sharcigeenu farayo doorka uu leeyahay mucaaradku oo ah toosin mid caafimaad qabta hala yimaado, tii uun baanu wadnaa caafimaadka qabtay oo toosinaynaa xaq baanu u leenahay, shalayna Role-kii aan waafaqsanaa wuxuu ahaa inaan Madaxweynahayga la shaqeeyo oo dalkayga dhiso horumariyo maantana waxay tahay inaan toosiyo waliba Team-kaygii baa jooga iyo Madaxweynahaygii oo sidaas ban waliba anigu is uruurinayaa, waxaan se leeyahay Culimada islaamka mid ka midoo la yidhaahdo Sheekhul Islaam Ibnu Taymiya ayaa wuxuu leeyahay maqaalo cajiiba “Muslimku muslimka kale wuxu u yahay labada gacmood oo kale, labada gacmood midba midbay dhaqdaa ama maydhaa marmar baanay suurto gal ahayn in wasakhda laga nadiifiyo gacantii kale ilaa la xoqo oo lagu yara xejiyo” markaa hadii laydinku xejiyo oo la yara xoqo la jabin maayee weerarna maaha, anigu Xirsi ban ahay oo wixii igu dhici jiray waydinkii garanaya adkaysta waa ayaamo yar Lixbilood oo keliya ka hadhay” Ayuu yidhi hoggaamiye Xirsi Cali X. Xasan
Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi “Muusaan arkayey oo hadalkaygii damqay hadalka damqayna aan tilmaamo, Yuusuf Cabdi Gaboobe oo nin saaxiibkay ah aanu booqanay baan ka hadlayey waxan kale oo aan ka hadlayey dadka is deldeliya ee dhibaatadu soo gaadhay iyo abaartu oo aan lahaa haloo gurmado dadkeena, adaa xaga masuuliyada iga sii xiga hadaan ku idhaahdo xaq baan kugu leeyahay, ka isdeldelaya ka daciifka ah, ka buka iyo ka dhibaataysan aan dhibta ka saarno waar ma ceebay noqotay? Waliba muuse waa jaarkiisoo waa guriga ku dhegan markaa hadaan taa idhaahdo goormay ceeb noqotay? Waar dadkena aan u gurmano imikaanu ku celinayna”. “Muusa wuxuu xusay wasiirkii ugu Power-ka badnaa ba imika dhawaaqaya, Power-ka Ilaahay baa bixiya oo Power-ka had iyo jeer waan dafiraa, manaan filayn aniga iyo Muuse isku maderisad baanu ahayne inayadii isku maderisada ahayd inay yidhahdaan Madaxweynaha Power-kiisa cid kala ku shaqaysanaysa dadka kalaa nagu odhan jiray bal Muusow Madaxweynihii anigu ka tegaye Power-kiina ku shaqayso Madaxweynahana Karaamada yaan laga qaadin oo la odhanin awoodiisiiba cid kale ku shaqaysanaysaa waabu ku dhisayayaaye alle hakuu barakeeyo, Power-kii anigu ka tegay hadii beryo laygu xamanayey agtiisa, laakiin Power-ka Madaxweynaha xukuma isagaan la shaqaynayey. Waan se kaa Nasiib badanahay Labadeena nin ee isku maderisada ah markaynu nahay ee kala yara weyn ee isku soo gaadhay, waxaad adigu soo gaadhay Madaxweynihii qaaliga ahaa Allaah yaa Arxama Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, sida Odayga Madaxweynaha laysku kaayo xejinayo bay meel kasoo wada jeedaan Muuse Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, nasiibku labadayaba wuxuu nasiiyey inan la shaqayno Labadaa Madaxweyne ee khibradda leh ragga waxba maanu dheerayn nasiibka nasiiyey basle nasiib ku aniga waxa uu isii siiyey Shan Sannadood iyo badh horumara inaan ka shaqeeyo 11-waddo ayaan dhisayey maalintaan ka tegay oo gacanta ku hayey iyo wixii xadhig la jarayey oo aan isleeyahay Ishaa macalinoo taa imika marag ma doon weeye anigu nasiibku taasu isiiyey, Dee Muusow iimaanso haduu nasiibku adiga kuu siiyey anigu carabka waan ka dhawrayaayoo odhan maayo dagaalkii sokeeye adaa ridaye hadii nasiibku kuu siiyey wakhti dagaal sokeeye dhacayey oo aad ku dhamaysatay labadii sannadood nasiibkaaga iimaanso ana kaasuu isiiyey adna kasuu ku siiyey waa nasiib”.
“Ninbaa laga sheegay Sodohdii buu yara dhibsaday markaasuu yidhi annigu sodoh-yahay waxba ku odhan maaye, hadaan-se wax ku odhan lahaa waxaan ku odhanayaa reerkeena adaa hor iyo diba u rogay, markaa Muusow waxaan ku leeyahay wakhtigii aynu Horumarka wadnay ee aynu isku jaalka ahayn hadaanad dhufayska noo gelin shantaa sannadood halkan waynu kasii dheerayn lahayn maanta Nalamay tartameen iska iimanso wixii kaala anigu meel kalaan macalin ka ah

Comments

comments