Shaxda Rasmiga Ah Ee Espanyol Vs Barcelona- MSN Oo Dib U Midoobay Iyo Enrique Oo Dhawr Isbadal Shaxdiisa Ku Sameeyay.

Barcelona ayaa marti u ah kooxda ay dariska yihiin ee Espanyol iyada oo xaamada kulanka Catalan Derby ay saamayn ku yeelan karto tartanka horyaalka La ligaha. Barcelona ayaa kulankan ciyaaraysa iyada oo maanka ku haysa in Real Madrid ay hogaanka La Ligaha la si wareegtay kadib markii ay 2:1 ku garaacday Valencia waxayna hawshu ku hadhsan tahay kooxda Luis Enrique.

Tababare Luis Enrique ayaa shaxdiisa ku soo bilaabay Ter Stegen oo goolka ku jira waxaana ka horciyaari doona Gerard Pique, Jordi Alaba, Sergio Roberto iyo Samuel Umtiti waxaana kaydka fadhiya Mascherano oo kulankii Osasuna ciyaarayay.

Neymar JR ayaa shaxda Barcelona dib ugu soo laabtay waxayna weerarka dib ugu midoobeen Messi iyo Suarez.Andres Gomes oo kulankii Osasuna laba gool ka dhaliyay ayaa shaxdan ku soo bilawday isaga oo ka garab ciyaari doona Busquets iyo Rakitic iyada oo Iniesta uu kulankan dhaawac ku seegay.

Comments

comments

SHARE