Real Madrid vs Valencia – Los Blancos Oo Caawa Tijaabo Adag Ku Mari Doonto Garoonkooda Santiago Bernabeu.

87

Real Madrid ayaa fursad u heli doonta iney cadaadis badan saarto Barcelona madama ay ciyaareyso waqti ka horeeya kulanka ay martida u noqon doonto Espanyol, waxeyna qudheeda Santiago kusoo dhaweyn doontaa Valencia.

Real Madrid waxey u baahan tahay iney guul gaarto si ay ugu yaraan talaabo muuqata ugu qaado hanashada La Liga oo ay ugu dambeysay 2012 markaas oo uu maamulayay Jose Mourinho.

Zidane ayaa u baahan inuu koob ku guuleysto si ay ugu yaraan shaqadiisa u badbaado madama Perez uusan aqbali doonin in koob la’aan ay kooxda soo istaagto waxeyna hadda heystaan fursadda ugu fiican ee ay ku qaadi karaan labada koob ee ugu muhiimsan La Liga iyo Champions League.

Jamaahiirta Balaugrana waxey dalbanayaan in caawa lagu soo bilaabo Isco Alcaron kaas oo ay u arkaan inuu yahay kan ugu fiican ee badali kara Gareth Bale.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Real Madrid vs Valencia

Tartanka: La Liga

Garoonka: Santiago Bernabeu

Garsoore: Jesus Gil Manzano

Saacadda: 5:15 Galabnimo (XGA)

OLOLAHA KULANKA: #KulankaREAVAL – Twitter/Facebook.

WARARKA LABADA KOOXOOD:

Sergio Ramos ayaa dib ugu soo laaban doona safakahore kadib ganaax hal kulan ah oo uu kaga maqnaa kulankii Deportivo. Ronaldo, Benzema, Kroos iyo Modric ayaa sidoo soo laabanaya, inkastoo Jamaahiirta qaar ay rajeynayaan in James, Morata iyo Asensio fursad la siiyo kulankaan kadib bandhigii wacnaa ee kulankii Deportivo La Coruna.

Dhanka kale Jose Gaya iyo Aymen Abdennour ayaa wali dhaawac ka ah kooxda Valencia , halka Simone Zaza uu kaga maqan yahay ganaax madama uu kulankii Real Sociedad qaatay kaarkiisii shanaaad.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Real Madrid:

Navas; Carvajal, Ramos, Varane, Nacho; Modric, Casemiro, Isco, Kroos, Benzema, Ronaldo.

Valencia: 

Diego Alves; Montoya, Garay, Mangala, Siqueira; Parejo, Perez; El-Hadadi, Soler, Nani; Santi Mina.

Comments

comments